
Kiisaska guud ee cudurka Corona dunida oo idil ayaa dhaafay hal milyan oo ruux, iyada oo dda gaaraya 60,000 kun ay u dhinteen cudurka samfareenka ah ee saameeyay caalamka. Carona waxa kale oo uu dhaawac u geytay dhaqaalaha caalamka.
Dalalka Aasiya, Shiinaha ayaa u baroordiiqay kumanaanka u geeriyooday xanuunka Corona iyada oo calanka dalka hoos loo dhigay dhammaanna la hakiyay nuucyada kala duwan ee maaweelada.
Dhankaas iyo Hindiyana masuuliyiinta qaar ee gobolada Hindiya ayaa sabtigii ka goodiyay in ay xayiraadda dalkaas lagu soo rogay ay sii jiri doonto qaybo ka mid gobolada dalkaas markii kiisaska cudurka uu kor u dhaafay 3 kun.
Australiya ayaa sheegtay in uu jiro hoos u dhac joogto ah oo kiisaska cusub ah waxana auu dalkaas fuliyay hawlgal badeedkii ugu weynaa ee xilli nabad ah. Hawlgalkaas ayaa laga fuliyay dekadda magaalada Sydney iyada oo markiib badan oo halkaa ku xirnaa shidaal la siiyay ka hor inta aan laga saarin biyaha Australia.
Qaaradda Yurub oo cudurku uu si weyn u saameeyay waxay masuuliyiinta dalalkaas wadaan sii adkeynta tillaabooyinka lagula tacaalayo cudurka.
Dalka Spain Ra’iisul wasaare Pedro Sanchez ayaa baarlamaanka dalkaas weydiisan doona in ay xayiraadda sii kordhiyaan oo ay ku daraan shan iyo toban maalin oo dheeri ah iyaga oo gaarsiinaya 26 bisha April. Xawaaraha cudurka ee dalka Spain oo ah dalka labaad ee qaaradda Yurub ee sida weyn loo sameeyay ayaa hoos u dhacay iyada oo ay yaraadeen kiisaska cusub wallow ay Spain wali wajaheyso khatarta cudurka.
Britain ayaan u muuqan in ay qaadeyso xayiraadda dalkaa lagu soo rogay ilaa iyo dhammaadka bisha May marka uu yaraado xanuunka Carona faafitaankiisa sidaas waxaa sheegay la taliye sare oo dawladda Britain ka tirsan. Dhimashada Britain ee cudurka Carona ayaa ku dhow 5kun oo ruux.
Dhankaas iyo Jarmalkana oo uusan sidaa xanuunka u saameyn ayaa kiisaska cusub waxay 6082 24tii saac ee ugu dambeysay, waa hoos u dhac marka la eego maalintii ka horreysay oo kiisasku ay badnayeen.
Qaaradda Amerika ayaa iyadana cudurku uusan dhaafin waxaana ilaa iyo hadda ugu daran Maraykanka. Labada gobo lee ugu daran Maraykanka ee dhanka cudurka ee kala ah New York iyo Lousiana ayaa sare u kaceen kiisaska Carona, xilli aqalka cad usoo gudbinayo farriimo iskhilaafsan oo ku saabsan in dadku wajiga xirtaan iyo in kale marka ay banaanka aadayaan.
New York kaliya ayaa ayaa afar meelood meel ay ku dhinteen dadka u dhintay cudurka Carona ee Maraykanka oo gaaraya 7077 sida ay tirokoob ku sameysay jaamacadda Johns Hopkins ee sida dhow ula socota cudurka Carona.
Kiisaska Maraykanka ee cudurka Carona ee gaaraya 275ta ayaa noqonaya 25 boqolkiiba halka Milyan ee dunida oo idil laga helay cudurka Carona.
Dalalka bariga dhexe iyo Afrika ayaan iyagana cudurku dhaafin wallow aysan khasaaraha la ekeyn Yurub iyo Shiinaha.
Cudurka dartiis ayuu madaxweynaha Masar Cabdul Fataax Siisi waxa uu u joojiyay furitaanka mashaariic waaweyn oo ay ka mid tahay matxafka weyn ee Masar iyo waliba shaqaalaha rayidka ah oo lagu waday in loo raro magaalada cusub ee dalkaas laga dhisay. Waxaana shaqaalaha raritaankooda dib loogu dhigay sannadka 2021.
Dalka Imaaraadka Carabta ayaa sii kordhiyay bandawga habeenkii si ay u nadiifiyaan goobaha dadweynaha, halka Sucuudigana ay xireen qaybo ka mid ah magaalada badda cask u taal ee Jiddah.
Afrika cudurka ayaa ku dhacay 3000 oo ku nool dhulka saxaraha ka hooseeya, waxaana uu dilay 100 taa soo keentay in dalalka Afrika ay xuduudaha xiraan.
Carona Virus ayaa marka laga reebo dhimashada dadka waxa uu sababay dhaqaale burbur waxaana ay heyadda lacagta adduunka ee IMF ay sheegtay in uu ka darnaan doono dhaqaale xumadii dunida wajahday toban sano ka hor
Suuqyada saamiga dunida ayaa hoos u dhacay kaddib calaamado badan oo muujinaya in cudurku uu saameyn xun ku yeelanayo dhaqaalaha dunida iyo koboca dhaqaale oo hakad ku yimid maadaama aysan jirin dhaqdhaqaayo ganacsi.