Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa hogaamiyaha dalka Jarmalka Angel Merkel, ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaartay doorashooyinka Baarlamaaniga ah ee Axaddii shalay ka dhacay dalkaas Jarmalka.
“Waxaan Angela Merkel ugu hambalyaynayaa guusheeda markii Afaraad ay ka gaartay doorashada Jarmalka ” madaxwaynaha Soomaaliya ayaa sidaa ku yiri war kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
Angela Merkel ayaa xisbigeeda talada haya ee Christian Democrat ayaa 33% ku guulaystay kuraasta baarlamaanka taasi oo micnaheeda uu yahay in ay markii afaraad oo xiriir ah ay ku guulaystay madaxtinimada dalka Jarmalka.
Xisbiga midigta fog ee Alternative für Deutschland (AfD) ayaa markii ugu horaysay guul taariikhi ah kasoo hooyay doorashada ayagoo helay 13% kuraasta baarlamaanka, taasi oo la micno ah inay heleen 88 kursi.
Angela Merkel, ayaa soo dhisi doonta xukuumad wadaag ah.