Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dhismaha darbiga dowladda Kenya ay ka dhisayso Xadka Magaalada Beledxaawo ay la wadaagto dalka Kenya.
War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiirka Caalamiga ah ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo uu la hadlay dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta.
Warka wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa waxaa lagu sheegay in madaxwaynaha Soomaaliya uu Saddex xili uu arumaha dhismaha darbiga Kenya ay ka dhisayso xadka labada dal.
Labada Madaxwayne ayaa isku afgartay in la joojiyo dhismaha darbiga.
Hoos ka akhriso warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya.