Farmaajo iyo Moseveni oo ku kulmaya Kampala

886

Wafdi uu hogaaminayo Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray caasimadda dalka Uganda we Kampala.

Madaxwaynaha ayaa waxaa soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Kampala.

 

Farmaajo, ayaa lagu wadaa in uu Kulan ka qaato madaxwaynaha dalka Uganda Yuweri Kagote Musaveni ayagoo ka wada hadli doonaa duulaanka ka dhan ka ah dhaqdhaqaaqa al-Shabaab oo dowladda ay dhowaan Ku dhawaaqday ka dib weerarkii 14 kii bishan ka dhacay isgooyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay Ku naf-waayeen dad gaaraya  358 qof, sida dowladda ay dhowaan Shaacisay.

Barta ay Villa Soomaaliya Ku leedahay Twitter-ka ayaa daqiiqado ka hor la soo dhigay war kooban oo lagu xaqiijiyay in madaxwaynaha uu gaaray Uganda, Lana kulmi doono dhiggiisa dalkaasi.

Madaxwaynaha ayaa safarkiisa Uganda waxaa lagu sheegay mid qaadan doona muddo 24 sacadood.