Farmaajo iyo Boqor Salmaan oo kulmay (Sawiro)

863

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federal-ka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo oo shalay gaaray dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta oo arbaco ah la kulmay boqorka Sacuudiga Salmaan bin Cabdul Asiis Aal-sacuud.

Daqiiqado ka hor madaxwaynaha Soomaaliya war kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu Ku sheegay inuu maanta la kulmay boqorka Sacuudiga Salmaan bin Cabdul Asiis Aal-sacuud.

Held fruitful talks with His Majesty @KingSalman on strengthening ties btwn our two countries. I am grateful for his welcome & hospitality https://t.co/WpDwHsH2ow

” Waxaan  kulamo miro dhal ah la yeeshay boqor Salmaan, kaasi oo ku saabsanaa xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labadeena dal. Aad ayaan ugu faraxsanahay soo dhowayntiisa iyo daacadnimadiisa” ayuu madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ku yiri qoraalka kooban oo uu soo dhigay bogiisa Twitter-ka.

Madaxwaynaha Soomaaliya oo boqashadan uu ku joogo ah middii Saddaxaad ee uu dalkaasi ku tago tan iyo intii bilowgii sanadkan 2017-ka loo doortay xilka madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay ku sheegtay booqasho shaqo ah taasi oo la sheegay inay qaadan doonto muddo labo maalmood ah.