Faransiiska oo Soomaaliya ka cafiyay lacag dhan $306 milyan

363

Muqdisho – Waxaa maanta heshiis ku saabsan deyn cafinta Soomaaliya kula saxiixday gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho Safiirka Dowladda France ee Kenya Aline Ménager iyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Dowladda Faransiiska ayaa si rasmi ah uga cafisay lacag dhan saddex boqol iyo lix milyan oo doolllarka Mareykanka ah ($306-Million).

Heshiis kaan ay maanta kala saxiixdeen dowladda Faransiiska iyo Soomaaliya ayaa daba socda go’aankii dalalka Paris Club ee ay gaareen 31kii bishii March 2020.

“Waxaa maanta inoo suuragashay in aan si wada jir ah u saxiixno heshiis Deyn_Cafin ah, aniga iyo Safiirka Dowladda France ee Kenya iyo Soomaaliya Aline Ménager

Dowladda Soomaaliya waxaa sharaf u ah in si rasmi ah looga cafiyay lacag dhan SADEX BOQOL & LIX MILYAN ($306-Million), Heshiis kaan ayaa daba socda go’aankii wadamada Paris Club ee ay gaareen March 2020”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Beyle.

Wasiirka ayaa sheegay in heshiiskan ay maanta kala saxiixdeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Faransiiska ay marqaati u tahay dadaalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, ay Wasaaradda Maaliyadda ka go’antahay in la sii waddo horumarinta Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Soomaaliya.

SHARE