Faransiiska oo Hubaynaya Kurdiyiinta Suuriya

918

Ciidamada gaarka u tababaran ee dalka Faransiiska ee Ku sugan dalka Suuriya ayaa la sheegay in ay bilaabeen inay taageero dhanka hubka ah ay siiyaan kooxha mucaaradka ee ka dagaalama dalkaasi Suuriya.

Ciidamadan Faransiiska ah ayaa la sheegay in hub kuwa meela fog wax ka gumaada ee Artillery-ga loo yaqaano ay siiyeen kooxaha mucaaradka gaar ahaan kuwa Kurdiyiinta ah ee loo yaqaano YPG kuwaasi oo dalka Turkiga looga aqoonsan yahay inay yihiin kuwo Argagaxiso ah oo xiriir la leh dgaalyahnada BKK.

Hubkan madaafiicda goobta ah ayaa ciidamada Faransiiska waxaa ay Ku wareejiyeen dagaalyahnada YPG ee Ku sugan magaalada Baguz oo ka tirsan gobalka Deir ez-Zor.

Ciidamada Faransiiska ayaa la sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyay ay isku ballaarinayeen goobaha dalka Suuriya ay ka maamulaan kooxda YPG.

Waxaa ka mid ah magaallooyinka Manbij, al-Hasakah, Ayn Issa magaalada wayn ee  Raqqa.