Faransiiska oo dib ugu yeertay safiirkooda Turkiga markii Erdogan uu weeraray Macron

63
Faransiiska oo dib ugu yeertay safiirkooda Turkiga markii Erdogan uu weeraray Macron. Reuters

Dowladda Faransiiska ayaa dib ugu yeeratay safiirkeeda dalka Turkiga kaddib markii Madaxweyne Erdogan uu weerar afka ah ku qaaday dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron.

Madaxweyne Erdogan ayaa yiri ” Macron waxa uu u baahanyahay daaweyn maskaxeed sababo la xiriira habdhaqankiisa ku aaddan Muslimiinta”.

Hadal ka soo baxay xafiiska Macron oo jawaab u ahaa Madaxweyne Erdogan ayaa lagu yiri ” Caro iyo caay ma ahan hab wanaagsan”.

Madaxweyne Macron ayaa bishii la soo dhaafay shaaciyay dagaal ka dhan ah waxa uu ugu yeeray ” Gooni u goosashada Muslimiinta” taa oo uu Macron aaminsanyahay inay la wareegeeyso qaar ka mid bulshooyinka Muslimka ah ee Faransiiska.

Dalka Faransiiska ayaa waxa ruxay dil qoor goyn ah oo lagula kacay Macalin ardaydiisa tusay sawir farshaxan ah oo laga sameeyay Nabi Maxamed (NNKH) kaas oo keenay carro xooggan oo ka dhan ah cidda falkaa sameysay.

Madaxweyne Erdogan ayaa yiri” Maxaa kale oo laga dhihi lahaa Madaxweyne dhan oon fahamsaneyn xoriyadda aaminaada, sidaasna ula dhaqmaya malaayiin dad ah oo dalkiisa ku nool kuwaa oo kale diin ah”.

Faransiiska iyo Turkiga ayaan dhawaanahaan isku wanaagsaneyn xiriir ahaan wallow ay ka wada tirsanyihiin isbageysiga Nato. Faransiiska ayaa olole xooggan u galay si Turkigu u joojin lahaa sahanka shidaalka badda Mediterianka oo ay Giriiga isku hayaan Turkiga.

SHARE