Fannaanad caan ah oo Muqdisho ku geeriyootay

96
Sawirka waa Allaha u naxariistee Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ka tirsan fannaaniinta Qaranka Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku geeriyootay.

Muqdisho – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyootay Allaha u naxariistee Fannaanadii caanka ahayd ee Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ka mid ahayd hoboladii Waaberi.

Waxaa la sheegay in muddooyinkii u dambeeyay ay ku xanuunsanayd magaalada Muqdisho. Waxa ay caan ku ahayd heesaha waddaniga iyo kuwa jeceylka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka tacsiyeeyey geerida fannaanad Saynab Cali Baxsan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in ay kaalin weyn ka soo qaadatay xornimadii dalka,dhismaha qaranka iyo soo nooleynta dhaqanka bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan qoyskeeda iyo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida fannaanaddii Qaran Saynab Xaaji Cali (Baxsan} AUN Baxsan waxa ay kaalin weyn ka soo qaadatay xornimadii dalka,dhismaha qaranka iyo nooleynta dhaqankeenna. Jannadii Firdows Allaha geeyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

SHARE