Fallo: Muqdisho, magaalo socota

2245

Muqdisho waxay soo martay sanado badan oo aysan jecleysan in dib loo xasuusiyo.

Maantase, waxay macaansaneysaa maalmo nabadeed iyo hor u kac.Maalamaahan oo magaalada u yeelay waji ka duwan kii lagu yaqaanay.Wajigaas oo ahaa mid magaalada la xiriiriya masawiro fool xun, iyo hadallo naxdin badan.Muqdisho maanta ma ahan ti tusaalaha u aheyd rajo beel iyo ee niyad jab, ee waa magaalo bogsaneysaa oo hiigsaneysaa meel sare.

Muqdishadii 2013dii.

Waxay aheyd sanadkii 2013kii markii aan soo noqday.Xiliyadaas waxay ahaayeen xiliyo lahaa xusuuso mahadho ah.Magaalada waxaa faro ba,an ku hayay falal amni darro ah oo halis ku ahaa nolosha dadka ku dhaqnaa magaalada.Amni darradaas waxaa iyana sii siyaadinayay askar faro
badan oo saaraan baabuurta dagaalka,kuwaas oo tubnaa isgooysyada magaalada.Mararka qaarna ay handadaad kala kulmi jireen dadweynaha.Waa taa sii dheeraa isku dhaca askarta dawlada oo iyana ahaa caqabad kale.

Hadda maxaan aragnaa?.

Waloow aysan magaaladu wali ka bogsan dhibaatadii ammaan,haddana waxaa jira nafs ay dareemayaan dadweynaha ku dhaqan caasimada.

Falalkii amni darro ayaad moodaa in uu is yara dhimay xawaarihii uu ku socday.Miyaa loo sababeyn karaa ciidanka la iigu sheegay xasailinta ee ku sugan isgoosyda muhiimka ah ee magaalada.Sidoo kale waxaa in la xuso u baahan dhawaqii rasaasta oo yaraaday. Caqbadaha soo kordhay.
Waxyaabaha ugu badan ay dadku ka cawdaan waxaa ka mid ah xirnaashaha wadooyinka.

Xirida wadooyinka xaafadaha dhexmara waxay abuureen saxmad aad u faro badan.Saxmadaas oo aan ogolaaneyn in qofu si dhaqso u tago halkii uu rabay.Waxyaabaha kale ee saxmada sii kordhinaya waxaa ka mid ah baabuurta waaweyn ee la dhiganayo wadada dhinaceeda oo wadada xireysa. Dhinaca nolosha iyo horu-marka.

Muqdisho sida lagu yaqaan waa magaalo dhaqso usoo kabsata.Taas waxaa daliil u ah
dhismayaasha cusub ee har iyo habeen qawda lagu hayo.Sidoo kale magaaladu kama harin dhinaca horumarinta bini-aadanka oo waxaa jira intaas oo goobood oo waxbarasho oo saaraa arday baratay cilmi kala duwan.Waloow saluug badan ka jiro tri badnida jaamacadaha iyo tayadoodooba, haddana waxay dadka qaar ku doodayaan in ay wax la,aan dhaanto.

Gunaanad.

Muqdisho hadda ma ahan mid wadata tlmaamihii lagu yaqaanay.Waa mid rabta in ay noqoto tlmaan wanaagsan.nn ay noqoto iyo in kale waxay ku xirantahay habka loo qaabeeyo oo loo maamulo.Muqdisho waxay u baahantahay in bilicdeeda lasoo celiyo taasna waa masuuliyad saaran muwaadin iyo masuulba.Magaalo waxaa muunadeeya oo micno u yeele dadkeeda.