Fallanqeyn: Dhul boobka waa in si rasmi ah loo soo afjaraa – UM

2467

Muqdisho (UM) – Dadka Soomaaliyeed waa in ay soo dhaweeyaan go’aanka ay waqti dheer sugayeen. Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu maaanta ku dhawaqaay in aan dhulka dowladda la hibeyn Karin, la bixin Karin, lana wareejin Karin sidda uu qabo 43aad ee dastuurka dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay in laga soo bilaabo 8-dii Febraayo,2017-dii maalintii uu noqday Madaxweynaha in wixii dhul ah ee la iibiyay ama la hibeeyay,ama la kireeyay uusan haysan ogolaansho sharci ah. Go’aankaan geesinimada leh ayaa noqon doono mid tijaabo u ah sidda madaxweynuhu uga dhabeeyo dhaqan gelinta arrimaha Caddaaladda iyo dowladda wanaaga Soomaaliya.

Madaxweynaha waxa uu mudan yahay in lagu bogaadiyo talaabadaan geesinimada leh,taasi oo ay iska indha tireen kuwii isagaa Xaafiiska uga horreeyay.

Waxaa in muddo ah jiray warar sheegayay in dhul boob iyo musuqmaasuq baahsan lagu haayo dhulalka danta-guud ee dowladda gaar ahaan kuwa ku yaalla caasimadda Muqdisho. Warar xoog ogaal ah oo ay Ummadda Media ka heshay ilo  lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhul badan oo danguud ah la siiyay ama laga kireeyay shaqsiyaad iyo ganacsato saaxiibtinimo iyo xiriir dhaw laleh madaxda sare ee Maamulka Gobolka Banaadir. Kireynta iyo bixinta dhulka danta-guud waa sharci darro iyo tuugnimo aan loo dulqaadan karin. Dhammaan kheyraadka dalka oo ay ka mid yihiin dhulka danta-guud iyo illaha dakhliga waa in loo isticmaallaa kaliya horumarka danta dalka iyo dadka.

Kaddib go’aankii taariikhiga ahaa ee madaxweyne Farmaajo soo saaray waa in si degdeg ah loo dhaqan geliyaa sharciyada iyo siyaasadda lagu soo celinayo dhulka danta-guud ee la boobay ama si sharciga aan waafaqnsanayn loo bixiyay ama loo iibiyay. Guddiga uu Madaxweynuhu magacaabi doono ee arrimaha la xiriira dhulka baari doono waa inuu noqdaa mid u madaxbannaan shaqada, maadaama ay baaritaan ku samayn doonaan dadka mid ah kuwa ugu awoodda badan dalka oo ah, siyaasiyiin, ganacsato iyo qurba-joog.

Madaxweynaha waxaa u fiican inuusan go’aankiisa la xiriira dhul boobka danta-guud uusan ku ekayn laga soo bilaabo waqtigii uu xilka la wareego,sababtoo ah dhul boobku waa uu ka horreeyay waqtigaas. Sidoo kale Guddiga madaxa bannaan ee uu madaxweynuhu magacaabi doono waa in ay helaan garab siyaasadeed iyo dhaqaale si ay u sameeyaan baaritaan dhammaystiran, ayna ka mid tahay in ay su’aallo weydiin karaan Guddoomiyaha ahna Duqa magaalada Muqdisho iyo kuwii ka horreeyay. Baaritaankaan si uu u noqdo mid Ummmadda Soomaaliyeed ku qanacdo buuxiyana hadafka laga leeyahay waa in aysan jirin qofka sharciga ka sareeya! Dhul boobka waxaa sababay burbur iyo dowlad xumo, waxaana uga bixi karnaa isla-xisaabtan rasmi ah iyo fulinta caddaalad.

Madaxweyne Farmaajo waa inuu sidoo kale u soo jeestaa waxa ka qabsashada dhulka danta-guud ama dadweynaha ka dheexeeya sidaa waddooyin muhiim ah kuwaasi oo shaqsiyaad ama siyaasiyiin si sharci darro ah ugu xiran oo waliba shacabka markii ay isku dayaan si xaqooda ah in ay u maraan qori lagu qabto ama la argagax geliyo. Dadka soomaaliyeed xabsi kuma jiri karaan inta ay dad tirayarna raaxo ku noolyihiin iyagoo adeegsanaya magacaga dowladda ama ku tiirsan maalkooda.