Dowladda Maraykanka ayaa is-hor taag Ku samaysay qorshe Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay Ku doonaysay in baaritaan lagu sameeyo dadkii Falastiiniinta ah ee Jimcihii lasoo dhaafay militariga Israel ay Ku laayeen xadka magaalada Qaza ay la leedahay Israel.
Qorshahan ayaa waxaa soo diyaarisay dowladda Kuwait oo ah dowladda Kali ah ee haatan ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Maraykanka oo ka mid ah xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ayaa awooddiisa Vito-ga waxaa ay siinaysaa inuu is-hor taago wax-walba oo Golaha la horkeeno inkastoo I ta badan uu awooddaasi u adaysado wax walba oo liddi Ku ah dowladda Israel.
Golaha ammaanka ayaa horay u cambaareeyay dadkii jimcihii lagu laayay duleedka magaalada Qaza.
Wasaarada Caafimaadka maamulka Falastiiniinta ah ayaa sheegay in dadka ciidamada Israel ay laayeen ay gaartay 17 qof oo u badnaa dhalinyaro aan hubaysnayn.