Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka dalka Kenya, haatana ah Siyaasi Mucaarad ah Faarax Macalin ayaa ku eedeeyay dowladda Mareykanka in ay si qarsoodi ah u guraneyso kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.
Faarax Macalin ayaa bartiisa Twitter-ka ku daabacay in habeen kasta marka ay saacadu tahay 9:00-ka habeenimo ay diyaarado waaweyn oo ay leedahay dowladda Mareykanka ka baxaan Muqdisho, kuwaas oo u duulaya dhanka Garoonka Balli-doogle ee Gobolka Sh/ Hoose.
Every night at around 3 o'clock in the morning heavy American military transport planes shuttle between Mogadishu Int. Airport & Balidogle airport under cover of darkness &secrecy to unknown destinations. 40ft containers are also moved from Buur Hakaba& Barawa. Stealing minerals!
— Farah Maalim EGH (@FarahMaalimM) September 27, 2018
Sidoo kalen Faarax Macalin ayaa xusay in Gawaari Kale oo waaweyn degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ay ka soo daldalaan Macdanta, islamarkaana ay geeyaan Saldhigga Bali-Doogle, halkaasi oo diyaarado xamuul ah looga sii qaado, kadibna laga dhoofiyo magaalada Muqdisho, sida uu hadlka u dhigay.
Waxaa kale oo uu Faarax Macallin intaas ku daray in Kunteennarrada qaar ee laga qaado Buurhakaba oo gaaraya 40Fiit la geeyo Magaalada Baraawe ee isla Gobolka Shabeellaha hoose halkaas oo ay ku taallo dekad macmal ah.