Faarax Macalin “Alshabaab waqtigooda waa gabaabsi, madaxda Dowlad Goboleedyada waxay ku socdaan wadadii Cabdi Illey”

1814

Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Dalka Kenya Faarax Macallin ayaa sheegay in Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ay yihiin Agoonta maamuulkii hore ee Itoobiya ee TPLF.

Faarax Macalin oo bartiisa Twitter-ka ku qoray qoraal uu kaga hadlayay arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed uu xilka ka qaaday taliyayaashii Ciidanka Itoobiya ee ku jira AMISOM kuwaas oo uu sheegay inay xiriir la lahaayeen ururka Al-shabaab.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in hadda ay oo kelliya ay soo hareen Hoggaamiyayaasha dowlad Goboleedyada Soomaaliya oo taageero ka heli jiray Dowladdii hore ee Itoobiya.

Qoraalka Faarax Macalin ayaa ku soo beegmaya xilli uu sii xumaanayo xiriirka wadashaqeyn ee u dhaxeeya Dowlad Goboleedyadda iyo Dowladda dhexe ee Soomaaliya kadib shirkii ay isbucii la soo dhaafay ku yesheen magaaladda Kismaayo Madaxda Dowlad Goboleedyadda oo ay ka soo saareen go’aamo liddi ku ah dowladda dhexe.