Faalo: Soomaaliya way istaahishaa taageerada beesha caalamka

2091

Mogadishu (UM)- Isbuucii la soo dhaafay Soomaaliya waxay marti galisay shirka amniga iyo iskaashiga, ee Muqdisho kaas oo ay kasoo qayb galeen dawlada federaalka ,dawlad goboleedyada iyo beesha caalamka si ay uga wada hadlaan guulaha la gaaray iyo caqabadaha taagan tan iyo shirkii bishii May ee ka dhacay London sanadkan.

Labada kulanba waxaa cadaaday in Soomaaliya ay hormar ka sameysay dhinacyada amniga iyo horumarka,walise ay jiraan caqabado u baahan taageero dhab ah oo beesha ay u fidiso Soomaliya si looga guuleysto caqabadaha taagan.

Beesha caalamka waxay aad usoo dhaweysay is aaminaada is kordheysa ee u dhaxeysa dawlada federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah iyo  sidoo kale dadaalka sharciyeed iyo kan siyaasadeed ee dawladu ku bixineyso dhinacayda muhiimka ah sida amniga, dawlad wanaaga, iyo kobcinta dhaqaalaha.

Waxaa muuqatay in dawlada Soomaaliya ay aad iskugu xirneyd oo shirka la tagtay hal aragti oo ay ku mideysnaayeen.Tan waa guul weyn marka loo eego sanado dhaw oo siyaasada Soomaaliya ay astaan u ahaayeen kala qaybsanaan iyo isku dhex yaac.

Labada shir  heer caalami  ee Muqdisho  ka dhacay loogana hadlayay ayaaha Soomaaliya ayaa waxaa kasoo baxay natiijooyin wax ku ool u ah Soomaaliya.Natiijooyinkaas waxaa ka mid ah habka isla xisaabtanka labada dhinac.Wali se caqabada ugu weyn waxa ay tahay cida maalgalineysa labada ajenda ee shirka ugu weyna ee kala ah amniga iyo hormarka oo u baahan maalgalin joogta ah.

Inkastoo  dawladu sameysay dadaalo badan oo lagu uruuriyo canshuur lagu maalgaliyo amniga iyo kaabayaasha kale ee bulshadda, waxaa muuqata in dawladu aysan awoodin maalgalinta amniga iyo waliba mashaariicda hormarineed  ee muhiimad gooniya u leh.

Miisaaniyada 2018ka ee dawlada federaalka ayaa ka yar 275$ milyan doolarka maraykanka, taas oo aan marnaba ku filneyn hawl maalmeedka dawlada.Sidaa darteed meelaha u baahan mudnaanta goonida ah sida amniga, dib u eegista dastuurka iyo hormarinta dhaqaale  ayaan marnaba looga maarmin  taageeraha. beesha caalamka.

Waxaad jirta niyadsami weyn oo beesha caalamku u heeyso dawlada  uu  hugaamiyo madaxweyne Farmaajo ,taasna waxaa ka marqaati kacay shirarkii Muqdisho ka dhacay.Dhab ahaantii waa ay jireen dawladaha qaar oo niyad jab ka muujiyay  hormar la,aanta dhinacdyada qaar sida ammaanka,laakiin soo celinta qaran itaal daran sida Soomaaliya waxa uu u baahanyahay aragti dheer  oo ay wehliyaan sabir iyo niyadwanaag horseeda guul kama danbeeys ah.

Beesha caalamku waa in sida dawlada Soomaaliya oo kale ay u aamintaa in maalmihii wacnaa ay soo socdaan oo taasna noqoto waxa ay ku saleeyaan taageerahooda.Soomaaliya awood leh oo barwaaqo ah  hormarna gaartay kaliya ma nafaceyso Soomaalida ee waxa ay sidoo kale  dan ugu jirtaa gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Waxyaabaha muuqda ee laga xusi karo inta shirku socday waxaa ka mid ah balanqaad gaarayay 300$ milyan oo heyada USAID ay ugu yaboohday Soomaaliya si loogu xoojiyo heyadaha dawliga ah ee Soomaaliya oo  ay qayb uga qaataan adeeg gaarsiinta  sida waxbarashada, caafimaadka iyo kobcinta  ganacsiga gaarka ah.

Waxyabahaan dhan ayaa ah kuwa qiimo leh maadaama ay taariikhda galayaan, hasa yeeshee  xadka taageerada beesha caalamka ayaa intaas ka ballaaran.

Dawlada Soomaaliya waxay leedahay saaxiibo badan oo garab taagan;waa in se dhammaantood ay u guntadaan sidey Soomaaliya uga caawin lahayen  hagaajinta  heyadaha dawliga ,awoodeynta nidaamka dawliga iyo keenida mashruucyo dhab ah oo is badal muuqda ka sameeya dhulka ,halkii ay warqad la saxiixo ku koobnaan laheyd.

Dawlada Soomaaliya dhankeeda waa in ay ku adkeysataa mashruucyo u dhigma qiimaha lacageed ee la galinayo ,iskuna daydaa in ay gaarto guud ahaan dalka si loo xoojiyo federaaleynta.

Intaas waxaa kasii muhiimsan in dawlada federaalka Soomaliya ay la timaado  nidaam adag oo  kor kala soconaya qandaraaslayaasha muddo badan qandaarsayada qaadanayay oon wax canshuur ah bixin,haddana wax la taaban karo aan dadka kusoo celin amaba ka qaban dalka.Mida ugu sii muhiimsan ayaa ah in dawladu ku adkeyso qandaraaslayaasha shaqaaleysiinta muwaadiniinta iyo ka gadashada alaabaha isla dalka si sare loogu qaado dakhliga gudaha ,dad badana shaqo abuur u helaan.Taas oo ah ujeedka laga leeyahay mashaariicda iyo yaboohyada.

Soomaaliya waxay  ku talaabsaneysaa hormar la taaban karo.Dawlada inkastoo caqabado heystaan haddana waxaad moodaa in ay ka go,antahay ka guul gaarida waxyaabaha ahmiyada u ah.Hugaanka sarena ayaaba hormuud ka ah isbadalada, intii uu hor istaagi lahaa.

Tan darteed waxaa jira hormar iyo dadaal dhinaca Soomaalida ah.Beesha caalamkuna waa in ay ficil ku muujiyaan balanqaadyadooda oo sii wadaan garab istaaga dawlada federaalka Soomaaliya si ay u gaarto nabad iyo nolol.

Soomaaliya ma ahan tii rajo beelka iyo niyad jabka, waa goob rajo iyo niyad wanaag  heysa waxyaabo badan oo ay tahay in laga barto.