Muqdisho (UM) – Toddobaadkii tagay waxaa ka dhacay labo qarax in ka yar hal kilometer oo ka tirsan waddada Maka Al-mukarama. Weerarada ayaa dilay dad gaaraya 20 ruux, dad kalena waxaa ka soo gaaray dhaawacyo jireed iyo mid maskaxeed. Haddaba xilligaan lagu jiro xasillooni darrada siyaasadeed iyo cabsida guud waxay aheyd in ay jirto jawaab celin ammaan oo wanaagsan. Ilaa iyo hadda waxa kaliya ah ee ay dadka Soomaaliyeed heleen ayaa ah jidgooyooyin khatar ah, sidoo kalena curyaaminaya ganacsiga.
Kaddib markii Ummada Media ay wareeysi la yeelatay dad badan oo Muqdisho deggan toddobaadkaan, waxa ay daabacday warbixin iftiimineysa walaaca ay ka qabaan amni xumada sii kordhaysa iyo shaqadii dowladda oo aan joogto aheyn sababo la xiriira mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari.
Ka sokow walaaca ku saabsan xasillooni darrada siyaasadeed iyo saameeynteeda xun, marnaba ma aheyn in amniga magaaladu uu sidaas u xumaado ilaa uu gaaro in uu curyaamiyo magaalada oo dhan.
Maanta waddada Maka Al-mukarama waxa ay leedahay baro baaritaan oo ka badan intii ay abid yeelato tan iyo sanadkii 2012ka. Cidda kaliya ee ka gudbi karta barta baaritaan ee laga sameeyay bannaanka wasaarada arrimaha gudaha, ee u gudbi karta waddada kale ee ku xirta Bakaaraha iyo tan Maka Al-mukarama ayaa ah cidda heysata aqoonsi dowladeed. Tani ma ahan hab amni oo wax taraya, ee waa bambo sugeysa in ay qaraxdo. Amnigu waa mudnaanta koowaad ee Xukuumadda.
Dowladda dhexe iyo duqa Muqdishaba waxay ballanqaadeen in ay ka difaaci doonaan magaalada amnidarro kale. Hase yeeshee labaduba waxa ay ku guuldarreysteen ka hortaga weerarada Al-Shabaab ee ka dhacaya irdahooda. Ka darane intii ay la imaan lahaayeen qorshe ammaan oo dhameystiran waxa ay dowladda dhexe iyo tan Gobolka Banaadir ba ku mashquulsanyihiin jidgooyooyin iyo darbiyo ay iskaga xirayaan dad kale si ay uga nabadgalaan waxyeelada, iyaga oo curyaaminaya dhaqdhaqaaqa dadweynaha , sida shaqo tagista kuwa yare e nasiibka u helay in ay shaqo helaan.
Dadka Soomaaliyeed waxa ay qaati ka taaganyihiin jidgooyooyinka, oo waxa ay doonayaan amni dhaama kan hadda si ay dib ugu dhistaan noloshooda, kadib waqti dheer oo ay ku jireen dagaal iyo burbur.
Muqdisho oo ah caasimadda waxa jooga ciidanka ugu badan ee hawlgalka Amisom iyo qaranka. Kuwa hore waxay qaataan mushaar fiica, kuwa danba se waxay yaqaanaan dhulka iyo dadka. Labadooda oo la isku daray waa in ay sugaan amniga Muqdisho iyo guud ahaan dalka oo idil. Inta badan waxa ay sheeganayaan in ay dadaalayaan, laakiin qarax kasta oo dhaca waxa uu sii luminaya kalsoonida lagu qabay. Isku xirnaasho, wadashaqeyn iyo wadaagida macluumaadkaaga dhexmarta ciidanka qaranka iyo bahwadaagtooda oo lagu daray istaraatijiyad ka hortagid ayaa wax looga qaban karaa weeraradaan.
Wasiirka amniga gudaha iyo duqa Muqdisho waa in ay inta badan ka fikaraan aminga Muqdisho, intii ay ka fikari laheeyn suudka ay xiranayaan marka ay booqanayaan goobaha wax ka dhacaan. Duqa Muqdisho iyo kooxdiisa oo dhex soconaya goob dad ku dhinteen hantina ku burburtay waa xilkasnimo xumo. Sidoo kale wasiirka amniga oo iclaaminaya in qarax magaalada ku jiro waa xirfad xumo iyo mid aan cida wax u tareeyn. Ficiladani waxa ay hoos u dhigayaan kalsoonida dadweynuhu ku qabo hay’addaha ammaanka iyo wasaarada dowladda ee ku shaqada leh amniga.
Dhigidda jidgooyooyin ka dhan ah weerarada is qarxinta waa mid aan waxba soo kordhineeyn, maxaa yeelay baabuur qarax ka buuxo oo uu wado naftii hallige waa u ka gudbayaa isaga oo dilaya dad rayid aan waxba galabsan.
Hase ahaatee waa in ay jiraan habab kale oo wax looga qaban karo ammaanka sida kaamirooyinka qarsoon oo lagu rakibo magaalada,wada-shaqeeynta laamaha ammaanka iyo is aaminaadda dhexdooda oo sare loo qaado. sidaas ayaa Muqdisho looga dhigi karaa magaalo amni ah. Soo jeedintaan waxa ay u baahantahay hoggaamin, wada shaqeyn xooggan iyo maalin galin dhab ah.
Intaan oo dhan waa in ay ka dhex dhacdaaa dowladda Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed,Amisom iyo ciidanka qaranka Soomaaliyeed. Ugu danbeeyntii wada-shaqeeyntaas kaliya ayaa Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya ka dhigi karta mid amni ah.