Faallo: Xildhibaan Bixi Canshuurta

1511
Xildhibaanka Barlamaanka Dowladda Federalka Soomaaliya

Muqdisho (UM) – Mid ka mid ah aas-aasayaasha Mareykanka, Benjamin Franklin, ayaa si qurux badan u yiri, “Adduunkan laguma sheegin wax hubanti leh marka laga reebo dhimashada iyo canshuuraha.” Maanta, Shacab weynaha Mareykanku waxay suurtagliyeen waddanka kaliya ee ugu awoodda weyn caalamka oo leh dadka ugu taajirsan uguna hal abuursan caalamka. Soomaliya uma dhawa Amerika, laakiin waxay leedahay casharo muhiim ah oo laga barto bayaankii Benjamin Franklin.

Habeenimadii Jimcaha, Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, Dr Cabdiraxmaan Beyleh, ayaa Tv ga soo fadhiistay, isagoo si daacadnimo leh uga hadlay muhiimada canshuuraha si loo maalgaliyo kharashka dowwladda iyo maalgashiga. Waxa uu soo bandhigay barnaamij isku dubaridan kaas oo sidoo kale ballanqaaday in xukuumaddani ay hagaajin doonto daahfurnaanta maaliyadeed ayna kasban doonto kalsoonidii canshuur-bixiyeyaasha si ay u maalgashtaan una qaataan hantidooda iyadoo la tixraacayo mudnaanta loo dajiyay ee lagu horumarinayo dalkooda iyo danahooda shakhsiyeed.

Dawlad kasta waxay u baahan tahay dhaqaalle si ay u fuliso adeegyada dadweynaha iyo in ay maamusho guud ahaan dalka. Dawladdu lafteedu ma lahan lacag laakiin waxay uga qaadataa muwaadiniinta qaab canshuur ah.

Siyaasadda canshuuraha, ururinta iyo abuurista jawi taas oo kor loogu qaadi karo wax soosaarka qaranka iyo hantida si loo kordhiyo dakhliga dawladdu waxay la socotaa isla shaqeynta shacabka iyo dowladda. Si kastaba ha noqotee, Soomaaliya waxay ku jaahwareertay awooddaha siyaasadeed ee is diidan, mudnaanta koowaad iyo awoodda daciifka ah ee la isku daro si loo sameeyo dhammaan arrimahan muhiimka ah waxay u baahantahay isku duubnaan iyo u hogaansanaanta sharciga.

Xilligan, dawladdu waxay si xoog leh diiradda ay tahay inay u saarto soo saaridda dakhliga gudaha dalka si loo maal-galiyo maareynta maamulka dawliga ah iyo adeegga guud ee bulshadda.

Madaxweynaha, Wasaaradda Maaliyadda, Ra’iisul Wasaaraha, Guddiga Dhaqaallaha iyo Hay’addaha Maaliyadeed ee Caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin Hey’adda  lacagta aduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka ayay hadda muuqataa inay si aad ah uga shaqeynaya arrintaas. Tani waa arrin aad in loo soo dhaweeyp mudan, laakiin hababka canshuur aruurinta macquulka ah ee la dajiyay ayaa suurtagalin kara in ugu dambeyn lagu guuleysto hirglianta jawi ay muwadiniintu ku bixiyaan canshuurta.

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa go’aansaday inay joojiyaan bixinta canshuurta. Tan iyo markii miisaaniyadda dheeriga ah ee ku dhaw 3 bilood ka hor, waxay diideen in ay canshuur ka bixiyaan dakhligooda hodanka ah oo ka badan $4000 (afar kun oo doolar) oo ay ku jirto $1000 (kun doolar) oo ah kaalmo ay ku qaataan sugitaanka amnigooda. Dooddooda waxay tahay in aysan mushaar ku helin laakiin qarashkan balse ay tahay gunno. Dhab ahaan, tani maahan mid run ah. Sababtoo ah, sida uu dhigayo Sharciga Cashuurta Dakhliga Soomaaliyeed, dhammaan dakhliga soo gala muwadiniinta waa la canshuuri karaa oo ay ku jiraan dhakhliga ay qaataan xubnaha Baarlamaanka.

Canshuurihii hore ee ka yimid Baarlamaankii dowladii hore ayaa laga jaray wixii canshuur ahaa si la mid ah shaqaallaha rayidka ah. Balse illaa iyo markii heshiiskii la isku dayey in Wasaaradda Maaliyadda ay la gaarto intii lagu jiray miisaaniyadda dheeriga ah ee sanadkan ayeey ku diideen xildhibanadu inay canshuur ku bixiyaan. Wasaaradda Maaliyadda waa in ay dib u dhigtaa siyaasaddaan ku saleysan sharciga kala sareysiinata muwadiniinta Soomaaliyeed ee qaarna ay canshuurta bixiyaan qaarna ay diideen. Isla markaasna waa inay wasaaradda Maaliyadda ilaalisaa sharciga dhammaan muwaadiniinta iyada oo aan loo eegin sida ay u kala  Muhiimsan yihiin.

Xildhibaannada Soomaaliyeed ayaa caadi ka dhigtay inay si cabsi galin leh uga meel marsadaan dawladahii kala duwanaa ee dalka soo maray. Tani ma sii socon karto.

Dhammaan xildhibaannada diidaya inay canshuur ka bixiyaan dakhligooda waa in ay dib u eegaan macnaha magacooda ama xasaanadda “Xildhibaan,” maxaa yeelay waxay ogaan karaan in ay is khilaafsan yihiin waxa ay sheeganayaan iyo magacooda.

Dadweynaha Soomaaliyeed ee muujiyay dhabar adeyga  xilliyadii adkaa waa inay ka shaqeeyaan sidii xildhibaannadda wakiilladooda ah inaysan u ogolaanin inay arrintani diidmadda canshuur bixinta aan lagu sameyn karin magacooda iyo magaca degaankooda.