Faallo:Mudane Ra’iisal Wasaare, hawl badan ma ahan badelkeedu sawirro badan – UM

2243
Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali kheyre.

Muqdisho (UM) – Ra’iisal waasare Xasan Cali Kheyre waa nin aad mashquul u ah. Xaqiiqdii lagaba yaabee in uu yahay Ra’iisal wasaarihii ugu mashquulka badnaa ee abid Soomaaliya soo mara. Maxaa yeelay waxa u qabanayaa shaqada wasiir kasta oo xukuumadiisa ku jira.

Waxbarasho,maaliyad,difaac ,arrimaha dibadda ayaa ah shaqooyinka uu Ra’iisal wasaare Kheyre maalin kaliya ku qabto. Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa sinaba uga muuqan shaqooyinkaan oo la is weydiinayaa halka uu qabtay.

Dadka inta badan waxay u heeystaan in Soomaalidu ay ku faraxsanatahay firfircoonida Ra’iisal wasaraaha, laakiin sidaa ma aha oo sida wasiiradu qaati u taaganyihiin ee uu u qariyay ayeey dad badan uga taaganyihiin.

Qofkii ugu danbeeyay ee iscasila waxa ay ahayd wasiiradii arrimaha bini-aadanimada iyo ka hortaga musiibooyinka, Maryan Qaasim, oo xilkeeda uga tagtay sida wasiirkii difaaca.Wasiirada xilka ka tagtay waxay dawlada ku eedeeysay nidaam darro iyo isbarbar yaac.

Eeda uga badan waxaa iska leh Ra’iisal wasaaraha oo sida muuqata fara-galiyay shaqada wasiirada kadib musiibadii Qaraxii Zoobe, taas oo iyadana ah eed kale oo Ra’iisal wasaaraha uu taalla  maadaama fashil amni darted musiibada zoobe u dhacday.

Kaalinta Ra’iisal wasaraaha ayaa ah in uu hubiyo in golaha wasiiradu ay fuliyaan ajandaha ama qorshaha xukuumadda.

Waa in uu yahay mid leh aragti dheer, wax dhiira-galin kara   jiheeya golaha wasiirada  isla markaana isku heeyn kara golaha wasiirada.Ujeedka loo doortay Ra’iisal wasaaraha waa iska cadyahay isagana wuu ogyahay.

Marar bandanna madaxweynaha waxa uu sheegay in Ra’iisal wasaaraha loo doortay fahamkiisa ujeedkooyinka iyo hadafyada madaxweynaha hiigsanayo,lagana filayo in uu ka guul gaaro.

Laakiin waxaad mooda in taas aysan jirin oo waxaaba maqan kaalintii Ra’iisal wasaaraha ee golaha wasiirada dhexdooda. Mararka qaarkoodna  Ra’iisal waasaraha ayaaba wasiirada u gacan dhaafa shaqadooda, isaga oo halkaa ka raadinaya caannimo ,halkii ay ahayd in wasiirada wood u siiyo qabsashada shaqadooda.

Nabad iyo Nolol laguma gaari karo khudbado wadani ah oo qiiro ku dhisan,kuwaas oo meeshaba ka saaray waxqabad oo dhan. Ra’iisal wasaaraha ayaa wax badan hadlay,wax yarna qabtay.Tani ma ahan mid shacabku aqbali karo ,marka la eego ballanqaadyadii uu sameeyay maamulka hadda jooga doorashadii ka hor.

Waxaa dhab ah in Ra’iisal wasaaraha uu galay sawirro ka badan kuwii loo baahnaa,isaga oo isku muujinaya in uu yahay mid wax bedelaya, wallow uusan taa ku darin waxqabad. Ra’iisal Wasaaraha waa in uu wax ka bartaa dhacdadii ugu danbeysay ee dalka Zimbabwe oo ogaadaa in riwaayad ku dhisan hal nin aysan heli Karin taageerayaal badan. Si kale in maamuul hal nin kaliya oo sal adag laheyn uusan sii jiri Karin si kasta oo u xoog badanyahay.

Calaamaddaha, ah ‘’ shacabka ayaa na taageersan ‘’ iyo isla qumanaanta oo ah waxa dawladaan ay aadka u jeceshahay ayaa malaha haboonaan lahaa marka dawladu wax qabato. Markaas dawladu waxay xaq u lahaan laheyd in ay ku faanto waxa ay qabatay.

Ra’iisal wasaaraha waa inuu joojiya saaxiibada uu isku hareereeyayyay oo u sheegaya in isaga loo soo diray in uu Soomaaliya badbaadiyo, maxaa yeelay  kuwaasi waa ay marin habaabinayaan. La yaabku waxa u yahay in kuwa sidaa yeelaya ay ku jiraan wasiiro shaqadooda gabay oo had iyo jeer agtaagan Ra’iisal wasaaraha, intii ay shaqadooda ku mashquuli lahaayeen.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa u baahan in uu xafiiskiisa geeyo shaqaale aqoon leh, kuwa siyaasada lagu keenayna iyo kuwa kale ee iska joogana uu meesha ka saaro si xafiiskiisa uu tusaale ugu noqdo dalka oo dhan.Haddii uusan sidaa sameeyn mudane Kheyre marnaba kama fakan doono khalaalse siyaasadeedka imaan doona mustaqbalka dhaw. Lagana yaabee in khalaalsaha siyaasada uuba dhaqso yimaado.

Iscasilaadii labaad ee golaha wasiirada waa in ay u noqotaa Ra’iisal wasaaraha dhawaq hurdada ka kiciya oo digniin ah. Dhawaqa yeerayana waa in uu cashir u noqda oo wax ka bedelaa hab habqankiisa, intii, inta wasiir kale iscasilo uu ugu qasbanaan lahaa in isagana is casilo. Dhawaqa yeeraya wax haku qaato Ra’iisal wasaare Kheyre.