Faallo: Isku-shaandheyn xiligeedii lama joogo

4663

Muqdisho (UM) – Hadal haynta ku saabsan isku-shaandheynta Golaha wasiiradda ee ka jira Soomaaliya si guud ah,  gaar ahaan caasimadda Muqdisho ayaa ku faafay si xawli ah. Tuhunkan oo dhex jibaaxay dhammaan qeybaha kala duwan ee siyaasadda ku jira. Xaqiiqooyinka ku aadan inay dhacdo isku shaandheyntan iyo ineysan dhicin waa mid mesheeda ah, balse waxaa xaqiiq ah in wasiir walba uu maanka ku hayo shakiyaddan jira, iyadoo dadka ka falloodaa siyaasada iyaguna ay dhawrayaan in mala-awalkoodu uu dhab noqdo iyo in kale. Haddii ay dhab noqoto isbedelka la hadal hayo, waxaa xaqiiq ah inay dhaawac ku keeni doonto hab sami u socodka dowladda curdunka ah oo ay curyaamin doonto isbedelka madaxda oo mar walba la bedelo, sababtoo ah waxaa Meesha ka bixi doona xilli wax-qabad oo lagula xisaabtami karo.

Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo uu hogaamiyo isla marmaasna  kheyre Ra’iisul Wasaaraha ka yahay, ayaa si wadajir ah iskula jaan-qaaday is-qab-qabsi la’aan, inkastoo dhibaatooyin badan oo soo wajahay ay jiraan isla markaasna ay isbiirsadeen culeyso kale oo badan oo isla xilligan horyaala, balse ugu yaraan xukumadani waxay ilaa iyo hadda ka fayoobaatay khilaafkii hareyn jiray kuwii ka horeeyay.

Isku-duubnidda xukumaddu ma aha mid dabiici ah mana jiro wax lagu tilmaami karo wasiirro natiijo la taaban karo keenay oo ay xukuumaddu ku faani karto xilligan. Dabcan, waxaa jira Wasiirro isku dayaya sida ugu wanaagsan inay wax u qabtaan, laakiin intooda ugu badani waxay wali ka hooseeyaan rajooyinkii ay bulshadi iyo xukuumadba sugayeen.

Si wasiir lagu noqdo meel kasta oo adduunka ah, waa mudnaan gaar ah oo loogu khidmeyn karo dal iyo dadba. Si kastaba ha ahaatee, Wasiirrada Soomaaliya ayaa laga filayaa inay wax-qabad la yimadaan iyadoo agabka ay heystaan uu aad u yaryahay, faragelin dibadeed oo joogto ahna jirto iyo nidaam siyaasadeed oo khalkhal galiya oo khalafsan ayaa mar walba ka gayisiiya shaqadda wasiirnimo mid aan sahal aheyn oo qosol-ku-jab ah. Hase yeeshe, markii ay timaado furad xil wasiir ah oo banaanaata, dad badan ayaa codsada booskan marka loo barbardhigo xilalka kale oo ay ka mid yihiin darajooyinka sare ee dowladda, waxaa si weyn nuucan xil-raadintan loogu yaqanaa “Shaqada-xilliga kuleylaha”.

Ra’iisul Wasaaraha Kheyre, wuxuu sameeyey wixii saxda ahaa ee xukumadu ay ku heshiisay ee ahaa qorshaha shaqada ee 100-kii maalmood ee ugu horreeyay ee laga hirgaliyey Wasiirrada iyo wasaardaha oo dhan, hase yeeshee xisaabtankan ayaa hadda waxaa xagal-daaciyay  la tacaalidda khalkhal siyaasadeed ee soo wajahay dowladda si looga hortago dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid tahay dhiibistii Qalbi-Dhagaax iyo isku day mooshin lagu damacsanaa in barlamaanka lagu horgeeyo xukumadda kadibna la rido balse hadda ay muuqato inay midaas ka badbaaday.

Iyadoo la tixgelinayo caqabadaha jira ee amniga iyo dhanka horumarka ee gaabiiska ah ee qorshaha hirgelinta sharci ee dowladda, waa sax in ra’iisal wasaaraha uu ku dhiirado sidii loo horumarin lahaa waxqabadka Dawladda. Tani waa shaqadeeda ugu muhiimsan laakiin waxqabadka lama fulin karo oo kaliya iyadoo xooga la saarayo ilaha dhaqaalaha, hogaamin hufan iyo ciidamadda.  Ra’iisul Wasaaruhu waa inuu ka shaqeyaa sidii loola xisaabtami lahaa hawlaha wasiiradiisa, isaga oo abuuraya jawi wax ku ool ah oo qiimeyn ku dhisan, kaas oo suurtagaliya in masuuliyiinta ka tirsan Wasaaradda iyo saraakiisha sare ee dawladda si wadajir ah iskula shaqeyaan. Ra’iisul Wasaaruhu waa inuusan isu arkin in uu yahay Madaxa Meesha ugu sareeya kelliya, laakiin waa inuu isku arkaa madaxa fullinta howlaha guud ee hogaaminaya Golahiisa Wasiirada kaas oo ku dadaalaya in ay isbedel dhab ah ka dhaliyaan Soomaaliya si ay u gutaan waajibaadkooda qaran iyo midka shaqo.

isku-shaandeyn lagu sameeyo Golaha Wasiiradu waa xuquuqda ra’iisul-wasaaraha kasta oo Soomaaliya soo lahayd, laakiin dufcada hadda ee wasiirrada waa in la siiyaa fursad ay ku bartaan, fahmaan oo ay ku fuliyaan howlaha horyaala. Mar walba waxaa jiri doona cadaadis siyaasadeed oo ka yimaada Xildhibaanada iyo odayaasha beelaha si ay isku shaandheyn u sameeyaan sababo cad awgeed, sida inay ku soo daraan xubno ay iyagu wataan, laakiin in loo nuglaado rabitaankaasi wuxuu wiiqayaa kartidda Xukuumadda iyo waajibkeeda. Waxaa had iyo jeer jiri doona Wasiir ama wasiiro jebiya xeerarka iyo anshaxa shaqo ama kuwa si aan karti lahayn u shaqeey, haddaba midaas macnaheeda maahan in kuligood la wada badalo ama ay saameyn ku yeelato kuwa sida hufan shaqadooda uga soo dhalaala.

Shaqada dhammaan wasiirada waxaa ka caqabad adag ku noqda la’aanta shaqaale dawladeed oo aqoon u leh howlaha ay qabnayaan iyo cid khibrad maamul iyo mid tixraac u leh hay’adaha dowladda ey ka howlgalaan. Haddii Soomaaliya ay dhab ka tahay hirgalinta siyaasad xasiloon iyo hay’ado dowli ah oo wax ku ool ah, adeegga bulshada iyo hey’addaha dowliga ah waa in sidoo kale dib-u-habeyn lagu sameeyaa iyada oo xoogga la saarayo waxqabadka iyo tayada halkii la eegi lahaa oo kelliga tirada shaqaale ee hal qabiilka ka soo wada jeeda ee Wasaaraddaha ka shaqeeya. Muhiimadda ku saleysan uun in la eego tiradda qabaa’ilka ee aan la eegaynin aqoonta shaqaalaha rayidka ah waxay caqabad ku tahay fullinta siyaadda iyo howlaha  dowladda kuwaas oo curyaamiya adeega bulshadda.

Tuhunta ku saabsan Isku-shaandhaynta waa in la aamusiyaa qorshe cusub oo lagu qiimeeyo natiijooyinka wasaaradaha isla markaasna lala yimaado wax-qabad muuqda. Midaas waxay keeni doontaa in lagu kalsoonaado xubnaha Golaha wasiirada ee hada jooga. Waxqabadka ka hooseeya midka laga filayo ma ahan mid marnaba la aqbali doono, sida meel kasta oo kale, waa inay wasiiradu la yimadaan hab-dhaqanka ah ‘I-tus oo I taabsii’ ma aha mid la aqbali karo, in wasiir walba uu dhihid afka ah kelli ah uu wasiir ku ahaado, laakiin sidoo kale isku-shaandeyn lagu degdegay ma ahan xal, sababtoo ah waxay dib u dhac u keenaysaa dowladda bilooyin ama sannad inay wax-qabato. Ballanqaadka Nabad iyo Nolol waxay u baahan tahay isla-shaqeyn, hoggaamin sal adag leh oo  ku saleysan iskaashiga iyo jihada cusub. Is-beddelka xubnaha dowladda ee deg-dega ah ma keeneyso hiigsiga arrimaha ay maanta dalka iyo dadkuba u baahan yihiin.

SHARE