Faallo: Imaaraadku waa inuu ixtiraamo madaxbannaanida Soomaaliya – UM

2577
Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo iyo Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan ayagoo kulankooda kaga hadlayay xiriirka labada dal Booqadii ugu dambaysay ee madaxwaynahu ku tagay Imaaraadka (Sawirka waxaa laga soo qaaday Google)

Muqdisho (UM) – Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kasoo laabtay booqashadiisii labaad ee uu ku tago isu taga Imaaraadka Carabta. Inta uu ku guda jiray booqashadiisa, waxa uu madaxweyne Farmaajo la kulmay Sheekh Muxamed Bin zayed Alnahayaan; dhaxal sugaha Abu dubey iyo taliye ku xigeenka xooga dalka Imaaraadka. Labada dhinac waxay ka wada hadleen xiriirka labada dal.

Booqashada ayaa gabi ahaanba aheyd mid qarsoodi ah, madaxtooyaduna waxay kaliya kusoo koobtay in looga gol lahaa in lagu xoojiyo xiriirka labada dhinac.

Dad badan waxay qabaan in booqashadaanu tahay mid aan habbooneeyn faragalinta Imaaraatka ee siyaasadda gudaha Soomaaliya darteed. Dhinaca kale booqashadaan ayaa aheyd fursad uu madaxweynuhu ku gudbin karo farriin ah in uusan u dulqaadan doonin far-galinta Imaaraatka ee Soomaaliya. In sidaa dhacday iyo in kale innagu ma hubno,maxaa yeelay kulanku waxa uu ahaa mid albaabadu u xiranyihiin.Si kastastooy xaaladu tahayba,waxaan mesha laga saarin Karin in madaxweyne Farmaajo uu sameeyay wax kasta oo ku caddeyn karo mowqifkiisa maadaama uu khatar ku jiro xukunkiisu. In Imaaraatku dhageystay iyo in kale iyadana waa arrin kale.

Soomaaliya waxa ay aheyd taageere siyaasadeed iyo waliba  ilaa iyo xad mid dhaqaale oo Imaaraatku ku tiirsanaa, intii dhaqaallaha waddanka Imaaraadka aysan bedelin helidii shidaalka.Soomaaliya waxay kaalin muhiim ah ku laheyd isku xirka caalamka Carabta iyo ururka midowga Afrika xilligii dawladii Maxamed siyaad Barre. Ilaa maantana Soomaaliya waxay xushmad weyn u heysaa waddamada ay xiriirka leeyihiin oo Imaaraatkuna ku jiro.

Sidaa darted waa in Imaaraadku wanaagaas wanaag ku bedelaa oo joojiya  taageerada uu ku xirayo shurudaha bahdilka ah iyo  la shaqeynta qaswadayaasha gudaha iyo dibadda ee raba carqaladeynta  hormarka yare ee dawladaan ay sameysay.

Imaaraadku waa uu ku xanaaqsanayahay Soomaaliya sababta oo ah waa markii ugu horreysay ee Soomaaliya ay qaadato go’aan danteeda ka tarjumaya, isla markaana iska diiday in la galiyo wax aan khuseeyn. Ka sokoow cadaadis aan la aqbali Karin oo uga imaanayay Sucuudiga , Imaaraatka iyo wadamo kale. Dawladda Soomaaliya waxa ay caddeysay in xasaradaan aan waxba laga dheefeyn iyo in sidoo kale Soomaaliya ay u baahantahay saaxiibadeeda oo dhan si ay u hormarto. Soomaaliya waxay xitaa iskeed iskugu xilqaantay in ay dhexdhexaadiso wadamada is haya.

Imaaraadka ayey aheyd in ay xushmeyso isxilqaanka Soomaaliya sameysay oo horay uga  sii socoto haddeysan rabin sida Sucuudiga oo kale in Soomaaliya dhexdhexaadiso,laakiin taa bedelkeeda waxay qalaalaase siyaasadeed ka dhex abuurtay Soomaaliya gudaheeda.

Imaaraatka ayaa Soomaaliya u taageera siyaabo kala duwan, Soomaali badana waxay ku noolyihiin oo ka shaqeeyaan dalkaas. Intaas waxaa sii dheer ganacsi badan oo Soomaaliyeed oo Imaaraatku saldhig u yahay. Sida shirkaddaha lacagaha xawila.

Intaas oo dhan marnaba qiil uma noqoneyso fara-galinta Imaaraadka ee Soomaaliya oo horay u aheyd mid ku dhisan nidaam qabiil haddana tag daran.

Xeerka koowaad ee diploomaasiyada ayaa dhigaya ixtiraamida madaxbannaanida gayi ee waddan. Imaaraadkuna wuxuu si ula kac ah u jabiyay xeerkaan ficilada ay ka waddaan Soomaaliya awgeed. Shacabka Soomaaliyeed marnaba kama qarsana fara-galintan, haddiise Imaaraatku sidaa kusii adkeysto marnaba ma noqon doonaan kuwo shacabka Soomaaliyeed uu soo dhaweeyo.

Imaaraadku waxa uu aad ugu mashquulsanyahay hawlaha Turkiga iyo saaxiibada kale ay ka hayaan Soomaaliya.Tani looma baahna iyada oo ay jiraan meelo badan iyo habab badan oo ay saaxiibada Soomaaliya uga caawin karaan meelaha ay kaga wanaagsanyihiin. Isu taga Imaaraadka ma heysato taageero la mid ah tan Turkigu ka heysto shacabka Soomaaliyeed waqtigaan la joogo. Taasna waxaa sabab u ah Turkiga oon marna faraha la galin siyaasada gudaha Soomaaliya.Way adkaan doonta in Imaaraadku sidaa noqdo,waxaase la gudboon in ay sidaa yeelaan oo sida Turkiga oo kale ixtiraamaan shacabka iyo dawladda Soomaaliya.

Adeegsiga Imaaraadka ee siyaasiyiin hore ee aan qadarin badan loo heyn si ay u fashiliyaan hormarka yare e dawladdu sameysay marnaba ma xallin doonaan xasaradaha khaliijka. Soomaalida hadda u adeegeysa shisheeye ayaan wax micno u laheyn shacabka. Oo waxay dhawr jeer oo hore u khiyaaneyn shacabka. Hadda oo haddane inta shisheeye kale lacag soo siiyay lagu yiri sidii sameeya waxay kasii dhigeysaa kuwa sidii hore ka daran. Kuwaan fashimay marnaba wax uma dhimi karaan danaha Soomaaliyeed ,shacabka kama dhaadhicin karaan in aysan daacad u noqon waddankooda.

Soomaaliya sida ay maanta tahay ma sii ahaan doonto- Soomaaliya waa waddan qurux badan,qani ah , lehna dad qab leh oo barwaaqo sooran ah, una sii dheertahay kheyraad dabiici ah oo ka qiimo badan shidaal. Imaaraadku waa in ay badalaan siyaasadooda marin habawsan ee fara-galinta ah haddii ay niyad wanaagsan ka rabto Soomaaliyada maanta iyo tan mustaqbalka.