Faallo: Barwaaqada Soomaaliya waxay ku jirtaa wadajirka iyo wadashaqeynta – Sawiro (UM)

1800
Wasiir Bayle (dhexda) oo ay dhinacyada taaganyihiin wasiirada maaliyada ee dowlad giboleedyada

Kulanka uu shir gudoomiyay Wasiirka Maaliyadda ee Wasaarada Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, ayaa si guul leh ku soo dhamaaday. Waxaa la isku raacay, markii ugu horeysay tan iyo markii Soomaaliya ay qaadatay nidaamka Federaalka in canshuurta qaadka, sigaarka iyo dakhliga ka soo xarooda canshuurta duulimaadyadda caalamiga la is waafajiyo. Intaas waxaa dheer, in la isku raacay in shirkadaha ka ganacsada qaadka hadda wixii ka dambeeya looga baahnaan doono inay diiwaangaliyaan si ay u helaan shati ama ogolaansho ay ku shaqeyaan. Dawlad goboleeyadda xubinta ka ah dowladda Federaalka ayaa  si dhaw ula socon doona shirikadahaasi qaadka ka soo dajiya degaanadda ay maamulaan. Heshiiska Garoowe, waa guushii ugu horeysay ee muhiimka ah ee laga yeesho wada-xaajoodka federaalka cusub, kaas oo isla markaasna ku soo beegmay xilli xildhibaannada iyo Senator-ka ay u ambabaxeen sidii ay xal ugu raadi lahayeen xiisadaha siyaasadeed ee ka socda Galmudug

Ka hor intaan la isku qaadan nidaamkan cusub, Dowladda Federaalka iyo Dawladaha xubinta ka ah, ayay dhici jirtay in markii canshuuraha laga soo ururiyo shirkadaha kala duwan ee qaadka, sigaarka iyo diyaaradaha xamuulka ka ganacsada ee ka howlgala dhammaan Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka ayay dhici jirtay.mararka qaar, inay ka guuraan hal ka mid ah Dawlad-goboleedka Federaalka si ay u abuuraan jahwareer iyo kharash dheeraad ah oo aan loo baahnayn kuwaas oo macaamiisha ku kordhiya khidmadaha ay ka qadaan. Kharashkan dheeriga ah ee la dul saaro macamiisha waxay saameyn xun ku yeelatay dhaqdhaqaaqa xorta ah ee badeecadda iyo adeegga gudaha Soomaaliya iyada oo abuuraysa caqabaddo dhanka isku socodka ah iyo in isla hal badeeco lagu canshuuro dhowr meelood oo ka tirsan dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Tani waxaa la filayaa in ay soo afjarto jahwareerkii hore u jiray ee dhanka canshuuraha iyadoo isla markaasi uu ka dhigan yahay heshiiskii shalay ee Garoowe talaabo ku habboon jihada saxda ah ee dib loogu soo noolaynayo nidaamka canshuurta Soomaaliya. Si kastaba ha noqotee, caqabadda ugu weyn ee fulinta hirgelinta nidaamka maaliyadeed eek u saleysan federal ka ayaa ayaa weli ah mid bilowgiisa uu yahay isuduwidda canshuuraha qaadka, sigaarka iyo diyaaradaha dhoofa iyo kuwa soo daga ee caalamiga ah. Talaabadani waxay ubaahantahay in loo hirgaliyo si rasmi ah oo heshiiskani aanu noqon keliya mid warqadaha ku qoran balse loo fuliyo si ficil iyo hufnaan leh si ay faa’idadiisa u daremaan macamiisha, gacansatada iyo dowlada, heer federal iyo heer goboleed.

Wasaaradda Maaliyadda waxay u baahan tahay in ay si dhow ula shaqeyso wasaaradaha maaliyadeed ee maamul goboleedyada si ay u wadaagaan aqoonta iyo xirfadaha ayna u keenaan habab caddaalad ah oo loogu talagalay wadaagista dakhliga  soo xarooda intaa kadib. Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka waa inay sidoo kale aqoonsadaan inaanay ku ku tiirsanaan karin dhaqaale ahaan Dowladda Federaalka oo Dakhliga ugu weyn ka soo galo Dekedda Muqdisho iyo Maddaarka balse ay waajib tahay dowlad goboleedyada inay qeyb ka noqdaan dhaqaale abuurka sida soo xareynta canshuurta.

Waxaa muuqatay in xiritaanka shirka maaliyadda ee dowladda Soomaaaliya iyo Dowlad goboleeyadda inay jirto “kala shaki iyo aaminaad yarri” u dhaxeysa dawladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Waxaa jira shaki ah in kuwa dowlada dhexe ay u naas nuujiso ama dhaqaale ahaan u roontahay ​​hal gobol oo ka mid ah dowlad goboleedyada iyadoo shakigu yahay inay siiyaan taageero maaliyadeed oo dheeraad ah balse tuhunkaas ayuu wasiirka Maaliyada ka hadlay inuu yahay mid ah shaki aan xaqiiq ku saleysneyn.

Si kastaba ha ahaatee, Ummadda Media waxay heshay caddayn ah in kaliya Maamulka Koonfurta Galbeed State, Galmudug iyo Hiirshabelle ay si toos ah u helaan miisaaniyadda Dawladda dhexe ay ku caawiso, marka loo barbar dhigi Puntland iyo Jubbaland oo leh saldhig dakhli xoog leh ka soo galo sida dekaddaha.

Gabagabadii kullanka waxaa ka soo baxay Warmurtiyeed ka kooban 9 qodob oo lagu heshiiyay  hanaanka maamul maaliyadeed ee Soomaaliyaa, faa’iidada ay leeyahay isku xirnaanta Maamulada iyo Dowlada dhexe  ee dhanka dhaqalaha iyo in la wadaago kheyraadka guud ee Dalka iyo deeqaha Dibada ay ka hesho Dowladda Soomaaliya.

Qodobada muhiimka ah ee soo baxay shirka waxaa ka mid ahaa in la mideeyay cashuuraha laga qaado Maandooriyaasha Qaadka iyo Sigaarka, waxaana la isku raacay in Mijintii (Farta) qaadka laga qaado $2.5, halka Kartoonka sigaarkana lagu cashuuri doono $30 dollar, waxaa kaloo lagu heshiiyay in gebi ahaanba la joojiyo lacagihii wasaaradaha maaliyadu ka qaadi jireen dadka socotada ee doonaya  in qaataan Passporka cusub ama u safraan dalalka dibada, taasi oo ahayd 10 Dollar oo kaliya.

Nidaamka maaliyadeedeed ee ku saleysan Federaalnimada marnaba ma noqon doonto mid sahlan, waxaana ku xiran arimaha uu ka midka yahay dastuurka iyo kan siyaasadeed oo hadda labaduba aan dhameystirnayn ama fari ka qodnayn. Heshiiska nidaamka canshuuraha iyo canshuur celinta ee lagu heshiiyey Garoowe, inuu shaqeeyo waxaa muhiim u noqon doonta inay dhamaan bahwadaagta kala duwan sida dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadu ay si daacad ah u wada shaqeeyaan oo niyad sammi leh si loo gaaro heer si caddaalad ku jirto loo wadaago kheyraadka. Si loo gaaro hiigsigan waa in marka hore laga mira dhaliyo natiiyadda ka soo baxday geeddi-socodka heshiiska maaliyadeed ee lagu gaaray Garoow si mustaqbalka dhow talaabo horusocod ah loo qaado. Waxaa sidoo kale muhiim ah in la sameeyo dadaal dhab ah oo lagu ogaanayo khariidada kheyraadka dalka oo dhan si loo ogaado ilaha ugu muhiimsan ee dakhliga qaranka iyo awoodda maaliyadeed ee qaranka uu leeyahay. Intaa waxaa dheer, in xubnahan dowlad goboleeyada ee khayraadkoodu hooseeyo ama aan heysan dhaqaale ay maamulka ku wadaan waa in ay taageeraan dowlad dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka ee leh illo ay ka soo galaan dhaqaale ama heysta xasilooni dhaqaale, sidaa oo kaliya ayay Soomaaliya oo ah hal waddan iyo hal dad ay iskula hiigsan karaan mustaqbal ka wanaagsan midka hadda jira. – Barwaaqada Soomaaliya waxay ku jirtaa wadajirka.