Faahfaahin: Madaxwaynihii hore ee dalka Yemen oo la dilay

1191

Kooxda Xuuthiyiinta dalka  Yemen, ayaa sheegay in dagaal iyo duqayn  maanta  oo Isniin ah ka dhacay Magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen  lagu dilay Madaxweynihii hore ee dalka Yemen, Cali Cabdalla Saalax.

Warbaahinta ku hadasha kooxda dalka Iiraan laga taageero ee Xuuthiyiinta ayaa baahiyay geerida Cali Cabdalla Saalax.

Warbaahinta Caalamiga ah, oo ay ka mid tahay wakaaladda wararka ee fadhigeedu yahay dalka UK ee Reuters, oo soo xiganaysa saraakiisha sar sare ee xisbiga General People’s Congress, ee uu lahaa Madaxwaynihii hore Yemen, ayaa  sheegtay in loo xaqiijiyay dhimashada Cali Cabdalla Saalax.

Reuters, waxaa ay qortay in loo xaqiijiyay in Madaxwaynihii hore lagu dilay meel u dhow magaalada Sanca.

Muuqaal video oo lagu baahiyay barraha bulshada, ayaa waxaa lagu arkay meydka nin u eg Cali Cabdalla Saalax, xilli taageere-yaasha Xuuthiyiinta ay meydka ninkaasi ku soo wareejinayeen wadooyinka Sanca.

Xuuthiyiinta, ayaa sheegay in Cali Cabdalla Saalax, uu dhintay ka dib markii ay qarxiyeen gurigiisa oo ku yaala magaalada Sanca.

Goor sii horaysay, Xisbiga GPC, ayaa beeniyay sheegashada xuuthiyiinta ee Ku aadan dilka Madaxwaynihii ugu xilliga dheera ee dalka Yemen.

Kooxda Xuuthiyiinta  reer Yemen, ayaa la wareegay inta badan Magaalada Sanca, markii ay magaalada dhinac uga saareen ciidamadii Cali Cabdalla Saalax, iyadoona uu dagaalku xilligan  uu yahay mid wali ka socoda duleedka magaaladaasi.

Dalka Yemen, oo ah dal dagaallo, Cuduro iyo jahwareer siyaasadeed ay hareeyeen tan iyo 2015-kii ayaa dilka Cali Cabdalla Saalax waxaa uu noqon karaa mid sii murjin kara heer-kuulka siyaasadeed iyo midda bani’aadanimo ee haatan ka taagan dalkaasi.

Maalmo ka hor   Saalax, ayaa sheegay diyaar in uu u yahay  in wada hadal uu la furo xulafada Sacuudiga uu hogaamiyo, kuwaasi oo dagaal kula jira Xuuthiyiinta iyo ciidamada daacadda u ah Madaxwaynihii hore, isagoo horay xiriira dhow la lahaa dowladda Sacuudiga, sidoo kale cadow xun ay isku ahaayeen xuuthiyiinta dowladda Iiraan ay taageerto.

Xulafada Sacuudiga, ayaa soo dhaweeyay hadalka Cali Cabdalla Saalax. Qoraal ay soo saareen, ayay ku sheegeen in go’aankani uu yahay mid lagula safanayo rabitaanka bulshada reer Yemen, bulshadana laga dulqaado Jabhadda Xuuthiyiinta.

Hase ahaatee, hogaamiyaha Xuuthiyiinta, Cabdul Malik al-Xuuthi ayaa hadalkaasi ku tilmaamay mid laga xishoodo islamarkaana Mr. Saalax uu khiyaano adag ku kacay.

Cali Cabdalla Saalax, ayaa dilkiisa u muuqda mid aar-goosi ah, ayadoo laga baqayo falalka ka dambyn doona dilkiisa.

Saalax, ayaa Yemen, maamulayay in ka badan 33 sano.