Faahfaahin laga helay Malaayin Doolar oo Garoonka Aadan Cadde lagu qabtay

1159

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegtay in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay ku qabatay lacago malaayiin Doolar ah.

Lacagaha ayaa la sheegay inay Ku kala jireen 3 boorso oo kala duwan waxaana garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde keentay diyaarad ay leedahay dowladda Isu tagga Imaaraadka Carabta.

War kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda ay qabatay lacag qiima ahaan u dhiganta $9.6M oo doolarka maraykanka ah (Sagaal Milyeen iyo Mix boqol oo Kun oo Doolar).

“Lacagta aan qabanay waxaa ay qiima ahaan gaarysaa $9.6M oo Doolar. Hay’adaha Amniga ayaa waxaa ay baarayaan halka lacagta ay ka timid, halka ay Ku socotay, dadka keenay iyo sababta lacagta heerkan ah dalka ay usoo galiyeen”  ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda Arimaha  Gudaha Soomaaliya.

Dowladda ayaa lacagtan la wareegtay ka dib sacado xiriir ah oo garoonka Muran Ku dhexmarayay saraakiisha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Shaqaale ka socday Safaaradda Dowladda Imaaraadka Carabta ay Ku leedahay magaalada Muqdisho.

Hoos ka akhriso warka arrimahaan ay kasoo saartay  wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya

JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
WASAARADDA AMNIGA GUDAHA
XAFIISKA WASIIRKA
جـمـھـوریـة الصــومــال الفیدرالیة
وزارة الأمن الداخلي
مكتب الوزیر
FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
Ministry of Internal Security

WAR-SAXAAFADEED:-
BOORSOOYIN LACAG LAGA SOO BUUXIYAY OO MAANTA LAGU QABTAY
GAROONKA AADAN CABDULLE

Maanta barqadii abbaaro 11:40am waxaa Garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho
soo caga dhigatay diyaarad nooceedu yahay Boeing 737.
Diyaaraddan waxyaabaha ay sidday waxaa kamid ahaa 3 boorso aan calaamadeysnayn. Hawl
wadeennada garoonka ayaa sida caadada ahaydba waxa ay marsiiyeen baaritaan.

Shaqaalaha garoonka oo ka shakiyay boorsooyinka ayaa waxa ay xiriir la sameeyeen qeybta la dagaallanka argagixisada ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Waxaa la ogaaday in boorsooyinkan laga soo buuxiyay lacag Doollar ah, waxa ayna haatan ku jiraan gacanta dowladda si baaritaan dhameystiran loogu sameeyo.

Lacagta la qabtay waxa ay dhantahay 9.6 milyan (Sagaal milyan iyo lix boqol oo kun oo Doollarka Mareykanka ah).

Hay’adaha Amniga waxa ay haatan ku hawlanyihiin baaritaan ku saabsan halka ay lacagtu ka
timid, meesha ay u socotay, dadkii ku lug lahaa iyo dantii laga lahaa in lacag intan la’eg lasoo geliyo dalka.

Wasaraadda Amniga Gudaha waxa ay caddeynaysaa in aysan jirin wax xadgudub ah oo ka dhacay garoonka intii lagu guda jiray baaritaanka iyo lasoo wareegidda boorsooyinka.

Waxaa jira waddamo aan xiriir la leenahay oo taakuleeya Dowladda Federaalka iyo laamaheeda
kala duwan, balse taakuleynta dhaqaale waxaa Dowladda loo soo marsiiyaa habraac waafaqsan
shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah ee la xiriira isu-gudbinta lacagaha.