Ethiopia iyo Eritrea oo Sacuudiga ku saxiixaya heshiis nabadeed

646
Eritrea's president and Ethiopia's prime minister arrive for an inauguration ceremony marking the reopening of the Eritrean embassy in Addis Ababa, Ethiopia in July ( Reuters )

Hoggaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eritereya ayaa shir uga qeybgalaya boqortooyada Sacuudiga Axada si ay u saxiixaan heshiis nabadeed oo ” xoojinaya xiriirka” ka dhaxeeya labada dal, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Qaramara Midoobay.

Farhan Haq, Afhayeenka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in boqorka Sacuudiga,Boqor Salmaan uu marti gelin doono munaasabadda lagu saxiixayo heshiiskaan taasi oo ka dhacaysa magaalada Jeddah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan.

Afhayeenka hadlay wax faahfaahin dheeraad ah ma bixin oo ku saabsan heshiiska.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eriteriya Isaias Afwerki ayaa saxiixay heshii nabadeed bishii July kaasi oo si rasmi ah u soo afjaray dagaal colaadii u dhaxeysay muddo sanado ah dib u soo celiyay xiriirkii diblomaasiyadeed.

Talaadadii Itoobiya iyo Eritereya ayaa dib u furay labo marin xuduudeedka u dhaxeeya markii ugu horresay muddo 20 sanno ah taasi oo u sahlaysa isku socodka gansicga labada waddan.

Eritrea ayaa madax bannaanideed ka qaadatay Ethiopia horreyntii sanadkii 1990-kii. Wax yar kaddib waxaa ka dhex qarxay dagaal sanado badan socday oo salka ku hayay muran xuduuda ah.