Ergo ka socota Taalibaan oo gaaray Ruushka

1234

Ergo ka socota kooxda Taalibaan ayaa todobaad kaddib markii uu burburay wadahadalkii ay kula jireen Maraykanka gaaray dalka Ruushka iyaga oo wadahadallo la yeeshay sarkaalka Afghanistaan u qaabilsan Madaxwyeynaha Ruushka.

Warbaahinta Ruushka ayaa soo xigatay afhayeenka dhanka siyaasadda kooxda Taalibaan Suhail Shaheen kaas oo sheegay in wafdiga Taalibaan ay la kulmeen ergayga gaarka ah ee Afghanistaan u qaabilsan Madaxweynaha Ruushka Zamir Kabulov,iyaga oo ka wadahadlay xaaladihii u danbeysay ee wadaxaajoodka nabadda Afghanistaan.

Wadaxaajoodaha ugu sarreeya kooxda Taalibaan oo hoggaaminayay wafdiga Taalibaan Sher Mohamed Cabaas Stankizai ayaa Telefishinka RT ee Ruushka waxa uu u sheegay in labada dhinac ay wax Isla meel dhigeen Isla markaana ay isku diyaarinayeen in labada dhinac oo ay wehliso Qadar ay qabtaan xaflad heshiis lagu saxiixayo markii ay dhacday in Madaxweynaha Maraykanku uu si lama filaan u sheegay in heshiiska uu burburay.

Stankizai wadaxaajoodaha ugu sarreeya Taalibaan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay waxyaabaha ka midka ah heshiiska ay labada dhinac Isla gaari rabeen ee Madaxweyne Trump sheegay in uu burburay.

Waxyaabaha lagu heshiin lahaa waxaa ka mid ah sida uu sheegay sarkaalka Taalibaan ka tirsan in marka hore la hirgaliyo xabadjoojin labada dhinac ah , sidoo kalena ay ciidanka Maraykanka ay siiyaan marin nabdoon oo ay ciidankooda kula baxaan.

Waxa uu intaas ku daray sarkaalka Taalibaan u qaabilsan wadaxaajoodka in heshiiska burburay ay sidoo kale ku jirtay in shir loo qabto dhinacyada Afghanistaan, shirkaas oo lagu gaari doono xabad joojin rasmi ah.Waxa kale oo shirka looga wadahadli doonaa siyaasadda Afghanistaan iyo waxyaabaha kale ee quseeya dalka Afghanistaan.

Madaxweyne Trump ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxa uu joojiyay Kulan lagu waday in ay wada qaataan wakiilo ka socday Taalibaan, Madaxweynaha Afghanistaan iyo masuuliyiin Maraykan ah kaddib markii qarax gaari oo ka dhacay caasimadda Afghanistaan ay ku dhinteen 12 qof oo uu ku jiro askari Maraykan ah.

Stankzai ayaa sheegay in Taalibaan ay ka go’antahay in wadahadal lagu xalliyo dagaalka Afghnaistaan maadaama uu wadadahadlku yahay xalka kaliya, has ahaatee waxa uu tilmaamay in haddii wadahadal lagu xallin waayo ay diyaar u yihiin in ay boqol sano dagaalamaan.

Madaxweynaha Maraykanka ayuu madaxa ugu sarreeya wadaxaajoodka Taalibaan ka rajeejay in uu ka noqon doono go’aankiisa isaga oo sheegay in ay rajeynayaan in sidii hore ay wax kusoo noqdaan.

Stankzai wadaxaajoodaha ugu sarreeya Taaalibaan ayaa suaal galiyay sababta ay Maraykanku uga baxayaan wadahadalka iyada oo xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka uu war saxaafadeed ku sheegay in ay dileen kun dagaalyahan oo Taalibaan ka tirsan tobankii bari ee la soo dhaafay .

“Haddii ay dili karaan Kun maxaan innaga u dili karin hal askari ,xaq ayaan u leeenahay in aan isdifaacno” ayuu hadalkiisa ku sii daray Stankzai .

Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa afhayeen u hadlay waxa uu sheegay in Ruushku uu garabtaaganyahay in wadahadal lagu dhammeeyo colaadda Afghanistaan oo aysan jirin wax aan diploomaasiyad ahayn oo lagu dhammeyn karo colaadda dabadheeraatay ee Afghanistaan.