Ergeyga QM ee Soomaaliya oo Kismayo kulan kula yeeshay madaxweynaha Jubbaland

93

Kismaayo – Ergeyga gaarka ah Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo ah wehliyaan
xubno ka socday IGAD, safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira Taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale ayaa mamagaalada Kismayo kulan kula yeeshay madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Kulankan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Jubbaland ayaa looga wadahadlayay hannaanka ay u socoto doorashada Jubbaland iyo sidii ay u noqon laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, lagana fogaado waxkasta oo keenaya fawdo iyo amni darro. Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xaafiiska Madaxtooyada Jubbaland.

“Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa Dowlad Goboleedka Jubbaland ka codsadey in fursad la siiyo musharaxiinta mucaaradka si ay isu diiwaangeliyaan ugana qeybgalaan doorashada iyo in wax ka badal lagu sameeyo shuruuda lagu xirey musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynenimo ee Jubbaland”. Ayaa lagu xusay qoraalka.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa xubnahan ka socday Beesha Caalamka u sheegay inuusan asagu sharciyad u laheyn wax ka badalka jadwalka doorashada gudiga xuduudaha iyo doorashooyinkana ay howshaa tahay shaqadooda.

Waxaa sidoo kale kulan goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenada iyo Wasiirada Arimaha gudaha iyo Amniga.

Kulanka kaddib ayaa la isku raacay in gudiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland laga sugo jawaabta kama danbaysa ah ee la xiriirta hannaanka Doorashooyinka Jubbaland.

SHARE