Ergeyga Qaramada Midoobay oo Golaha amaanka uga warbixiyay xaaladda Soomaaliya

986

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya, Micheal Keating ayaa  golaha amniga ee Qaramada Midoobay uga warbixiyay xaaladda Soomaaliya mudadii u ahaa ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Micheal Keating ayaa warbixintiisa ku bilaabay in markii ugu horeysay ee u tagayay Soomaaliya si toos loo geeyay qasriga madaxtooyada Soomaaliya si uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya kala hadlo khilaaf u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada, sidaas si lamid ahna in uu xaalku ahaa maalmo yar ka hor markii uu Soomaaliya kasoo tagayay kadib markii ay u dhamaatay mudo xileedkiisi.

Ergayga gaarka ee xoghaya Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa warbixintiisa uga hadlay horumarka ay dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinacyada siyaasadda amniga dib u heshiisiinta iyo dhaqaalaha.

“Sida dowladaha kale ee cusub, wuxuu weli ku jiraa barbarasho,” ayuu yiri Keating, wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya.

Dhanka Siyaasadda wax uu Micheal Keating tilmaamay in caqabadda ugu weyn ee ay Soomaaliya wajaheyso ay tahay sida loo siyaasadda iyo hanaanka awood qeybsiga isaga oo intaasi ku daray in arrimaha siyaasadda la xiriira ee Soomaaliya ay weli yihiin kuwo “isku dhex yaacsan”.

Dhanka Amniga Micheal Keating wax uu ka dhawaajiyay in caqabadda ug u weyn ay weli yihiin ururka Al-Shabaab iyo dagaalada kasoo cusboonaday deegaanka Tukaraq ee u dhexeeyay Somaliland iyo Puntland isagoon warbixintiisa kusoo hadal qaadin barnaamijka kala guurka ee ay ciidamada AMISOM Soomaaliya kaga baxayaan si amniga loogu wareejiyo gacanta ciidanka xoogga Soomaaliyeed.

Micheal Keating ayaa ka deyriyay xaaladda bini aadanimo isagoo carabka ku adkeeyay in waxbarasho la’aanta ay tahay mid kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee Soomaaliya hortaagan.

Ugu danbeyn Keating ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ugu baaqay in loo istaago sidii wax looga qaban lahaa arrimaha Soomaaliya.

 

Halbeeg