Ergeyga Qaramada Midoobay ee waddanka dagaaladu aafeyeen ee Yemen ayaa soo gaaray caasimada Yemen ee Sanca si uu ula kulmo to hoggaamiyeyaasha Xuutiyiinta, iyadoo duulaanka isbaheysiga Sacuudiga- Imaaraadka ee taageera dowladda Yemen ay ku doonaayaan in ay dib ugu qabsadaan magaalada dekedda leh ee Xudeyda uu sii xoogaystay.
Booqashada Ergeyga Qaramada Midoobay Martin Griffiths’ uu ku tagay caasimadda Sanca, ayaa imaanaysa kaddib markii ay fashilmeen toddobaadkii hore wadahadalo nabaddeed la doonayay in la isagu Keeno wakiilo ka socda dowladda caalamku aqoonsanyahay iyo kooxaha xuuthiyiinta oo ku dhexmari lahaa magaalada Geneva dalka Swisszerland.
Qiyaastii 8.4 milyan oo qof ayaa qatar ugu jira gaajo dalka Yemen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Dagaalka saddexda sanno socda ee Yemen ayaa malaayin qof ka dhex abuuray dhibaatooyin bini’aadanimo ee ugu xun dunida iyadoo in ka badan 22 milyana ay gargaar u baahan yihiin.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan toban kun (10,000) oo qof in ay ku dhinteen dagaalka Yemen.