Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Micheal Keating ayaa gaaray magaalada kismaayo si uu uga qayb galo shirka iskaashiga maamul goboleedyada oo lagu wado in uu ka furmo magaalada Kismaayo.
Micheal Keating ayaa wararka qaar sheegayaan in uu u tagay si uu u dhexdhexaadiyo madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda dawladda Federaalka oo waayahaanba xiriirkooua uusan wanaagsaneyn.
Madaxda maamul goboleedyada ee ku sugan ayaa kulan hordhac la qaatay ergeyga gaarka ah ee qaramada Midoobay wallow kulankaasi ausan wax war ah ka soo bixin.
Micheal keating ayaa lagu wadaa in uu wada haadl la yeesho madaxda maamul goboleedyada si loo qaboojiyo xiisada siyaasadeed ee dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada.