Erdogan: Waxaan weerari Doonaa Sinjar haddii Ciraaq ay ku fashilanto

765
Madaxwaynaha dalka Turkiga Raccep Tayyip Erdogan (Xuquuqda Sawirka ANADOLU AGENCY)

Madaxwaynaha dalka Turkiga Raccep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dowladdiisa ay qaadayso tallaabo walba oo lagama maarmaan ah oo Ku aadan Maleeshiyaadka BKK oo Ku dhuumaalaysanaya  gobalka buuralayda dalka Ciraaq ee Sinjar waa haddii buu yiri ay xukuumadda Baqdaad Ku fashilanto inay wax ka qaban waayaan arimahaasi.

Erdogan, ayaa sheegay in Sirdoonka Turkiga ay xiriiro la samaynayaan dowladda Ciraaq isagoo tilmaamay in ay soo gaartay xog muujinaysa in xukuumadda Baqdaad ay u diyaar goroobayso duulaan ka dhan ah Kooxda BKK ee Ku sugan gobalka Sinjar ee dalka Ciraaq.

” Waxaan Rajaynayaa in Dowladda Dhexe ee dalka Ciraaq ayaa qaadi doonto duulaankan, haddii kale Turkiga waxaa uu qaadan doonaa tallaabo walba oo lagama maarmaan ah oo Ku aadan dagaalyahnada argagaxisada ah  BKK ee Ku sugan gobalka Sinjar” ayuu maanta oo Isniin sheegay madaxwaynaha dalka Turkiga Raccep Tayyip Erdogan.

Turkiga ayaa bilowgii bishii January ee sanadkan qaaday Duulan dhanka dhulka ah oo uu Ku baqsanayo magaallooyinka waqooyiga dalka Suuriya ay ka muumulan kooxda YPG oo xiriir dhow la leh kooxda PKK oo xukuumadda Ankara ay u aragto kooxda argagaxiso ah.

Malitariga Turkiga ayaa dhowaan kooxda YPG kala wareegay magaalada Ifrin oo xarun u ah gobalka Ifrin oo Ku dhow xadka Suuriya iyo Turkiga kaasi oo ay Ku badan yihiin dadka ka soo jeeda qowmiyadda Kurdiyiinta.