Erdogan: Waa kuma Emanuel Macron markuu na dhex-dhexaadinayo?

863
Madaxwaynaha dalka Turkiga Raccep Tayyip Erdogan (Xuquuqda Sawirka Rasit Aydogan/Anadolu]

MOQDISHO (UM)—Madaxwaynaha dalka Turkiga Raccep Tayyip Erdogan ayaa diiday dhexdhexaadinta madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron, uu sheegay in uu ka dhex samaynayo dowladda Turkiga iyo Maleeshiyaadka Kurdiyiinta dalka Suuriya.

Emmanuel Macron, madaxwaynaha Faransiiska ayaa dhawaan Kulan magaalada Paris uu kula yeeshay wufood ka kala socday kooxaha mucaaradka dalka Suuriya oo ay ka mid ahaayeen Kooxda YPG ee Kurdiyiinta oo Xukuumadda Ankara ay u aragto inay yihiin kooxo argagaxiso ah.

Macron ayaa sheegay kulanka ka dib inuu ka dhex ergayn doono kooxda YPG iyo dowladda Turkiga, hadalkaasi oo gaashaanka Ku dhuftay madaxwaynaha dalka Turkiga Raccep Tayyip Erdogan.

” Kumaa tahay adiga” ayuu Madaxwayne Erdogan yiri isagoo ula jeeda madaxwaynaha Faransiiska Emanuel Macron.

“Markaad dhexdhexaadinayso  Turkiga iyo koox argagaxiso ah adiga kumaa tahay yaase kuu xilsaaray” ayuu intaasi Ku daray Erdogan, xili uu ka hadlayay Shir caasimadda Turkiga ee Ankara ay Ku yeesheen xubnaha Xisbiga talada haya ee Justice and Development (AK) Party.

Dadka arrimaha siyaasadda iyo ammaanka ka hadlaya ayaa markan ka dayrinaya xaaladda siyaasadeed ee u dhaxaysa dowladaha ugu ciidanka badan Gaashaan-buurta NATO kuwaasi oo kala ah Turkiga iyo Maraykanka.

Maraykanka ayaa horay u taageeri jiray Maleeshiyaadka the Kurdish People’s Protection Units (YPG) loo yaqaano kuwaasi oo Turkiga guluf militari Ku wajahay kana qabsaday inta badan gobalka waqooyiga Suuriya Ku yaala ee Afrin.

Dhowaan madaxda Turkiga ayaa ka dhawaajiyay in ay duulaan militari Ku qaadi doonaan magaalada Mambij haddii dagaalyahnada YPG ay ka bixi waayaan.

Hanjabaadda ka soo yeertay xukuumadda Ankara ayaa loo arkaa mid laga dhabayn doono, haddii Turkiga uu ka dhabeeyana waxaa halkaasi ka imaan kara dagaal dhexmara quwadaha saaxiibka Ku ah NATO ee Turkiga iyo Maraykanka bacdamaa magaaladaasi ay Ku sugan yihiin ciidamo Maraykan ah kuwaasi oo magaalada xarumo militari Ku leh.

Arimahan ayaa sidoo Kale loo arkaa sababta keentay in madaxwaynaha dalka Faransiiska Emanuel Macron uu ugu dhawaaqay dhexdhexaadinta.

Faransiiska ayaa sheegay sidoo Kale in magaalada Mambij ay ciidamo u diri doonaan.

Dhowaan madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in goor dhow ciidamada Maraykanka laga soo saari doono dalka Suuriya.