Erdogan: Sacuudigu waa in ay caddeeyaan in Jamal Khashoggi ka tagay qunsiliyadda

773
Suxufiga Jamal Khashoggi ayaa aad u dhaliili jiray dowladda Boqortooyada Sacuudiga, waxa uuna ka tirsan wargeyska dalka Mareykanka ka soo baxa ee Washington Post. Sawirka: Al jazeera

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Sacuudi Carabiya ay caddeyaan in Suxufiga Jamal Khashoggi, kaasi oo la’yahay ilaa iyo toddobaadkii la soo dhaafay, inuu qunsiliyada Sacuudiga ee Istanbul ka tagay.

“Waa inaan natiijo ka helnaa baaritaankan sida ugu dhakhsaha badan, saraakiisha qunsuliyada iskuma badbaadin karaan,” ayuu yiri, Erdogan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Budapest ee dalka Hungary.

“Hay’aduhu waxay ku qasban yihiin inay bixiyaan caddaynta sheegashadan, arrintaani, haddii uu ka tagay, waa inaad cadaysaa tan, waad cadeyn doontaa, xitaa haddii ay la socdaan muuqaalo.” waa in marka hore la weydiiyo ‘sidee ayay taasi u dhacday? ” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

“Duulimaadyada Turkish Airline ama (duulimaadyada kale) ee imaanaya iyo tagitaankoo dhan waa la baarayaa, iyadoo socdaalkan iyo kuwa soo galey waxaa jiray dad ka yimid Sacuudi Carabiya.

“Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ayaa ka shaqeynaya, baaritaanka, wax walba oo wax qabad leh, waxaannu niraahnaa – gaar ahaan dhammaan hay’adaha ku shaqada leh, ciidamada nabadgelyada, sirdoonkeena, dhammaantood, wasaaradda arrimaha dibedda – Waxaan arki doonaa warbixinta dacwad-oogaha ee uu diyaarinayo. ” Ayuu ku daray Erdogan.

Madaxweyne Erdogan, ayaa sheegay inuu si shaqasi ah kiisa ula socdo, isagoo intaasi ku daray in Turkigu uusan hayn wax duckumentiyo ah ama cadey ah oo ku saabsan kiisa Suxufiga la’yahay.

Turkiga waxa ay horrey uga codsatay Sacuudiga in loo ogolaado in gudaha qunsiliyada si ay baaritaan buuxa oo lagu baadi goobayo Suxufiga u sameeyaan.

Suxufiga Jamal Khashoggi ayaa la wayay kaddib markii uu galay  2-dii bishaan Oktoobar qunsiliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul si uu dokumentiyo uga soo samaysto.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay sabtidii in ay rumaysan tahay in Suxufiga Jamal lagu dhex dilay gudaha dhismaha qunsiliyada taasi oo ay ku tilmaantay ” dil qorsheysanaa”.