Ankara – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa xaqiijiyay in uu bilowday hawlgalka ka dhanka ah kooxada Kurdishka ee ku sugan waqooyi bari dalka Suuriya.
Ciidamada Turkiga oo ay wehlinayaan ciidanka jabhadda Suuriya ee xulafada la ah Turkiga ayaa weerar ka bilaabay deegamada ay ku xooganyihiin kooxda Mareykanku taageero ee YPG sidaas waxaa barta Twitterka ku qoray Madaxweyne Erdogan.
Erdogan ayaa qoraalka uu soo dhigay barta Twitter-ka ku sheegay in ujeedada Turkiga ay tahay in ay burburiyaan marinka argagixisada ee dhanka xuduuda Koonfureed ee Turkiga si nabad loogu soo dabaallo gobolka.
Weerarka Turkiga oo in badan la filayay ayaa yimid wax yar kaddib wadahadalkii Madaxweyne Erdogan iyo Trump ku dhexmaray qadka Taleefoonka kaas oo Trump uu ku ogolaaday in Turkigu uu weerarka qaado markii Mareykanku ay ciidankooda kala baxeen aagga.
Turkiga iyo Mareykanka ayaa in badan ku kala aragti duwanaa duulaanka Turkigu ku qaadayo waqooyi bari Suuriya halkaas oo Turkigu doonayo in uu ka sameeyo aag nabadgalyo ah oo dib loogu soo celiyo qaxootiga Suuriya ee ku sugan dalka Turkiga.
Afhayeenka kooxda YPG ee Kurdishka oo lagu magacaabo Mustafa Bali ayaa qoraal uu soo dhigay barta Twitterka ku sheegay in diyaaradaha dagaalka Turkiga ay duqeyn ka geysanayaan deegaanno dad rayid ah ay ku suganyihiin. Dadka ayuu sheegay in ay soo wajahday argagax iyo cabsi.
Xubno ka kala tirsan labada xisbi ee Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga ayaa si weyn Madaxweyne Trump ugu dhaliilay go’aanka uu garabkooda ku banneeyay kooxda kurdishka oo ay sheegeen in ay qayb ka ahayd hawgalkii looga adkaaday Daacish.
Madaxweyne Trump ayaa se difaacay go’aanka isaga oo sheegay in ay khaati ka taagan yihiin dagaalada dhammaadka lahayn ee micno darrada lana joogo xilligii ay ciidankooda dalka dib ugu soo celin lahaayeen.
Trump ayaa intaas ku daray in ay kaliya ka dagaalami doonaan halka ay dani ugu jirto oo ay ku guuleysanayaan.