Erdogan oo ku eedeeyay dowladda Sacuudiga dilka Jamal Khashoggi

747
Dowladda Turkiga ayaa wali baaritaan ku haya kiisa dilka Jamal Khashoggi. Sawirka: AP

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa ku eedeeyay dowladda Sacuudiga dilka Suxufigii dalkaasi u dhashay ee lagu dhexdilay gudaha qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul bishii hore.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoganhas ayaa sheegay in amarka dilka Suxufiga Jamal Khashoggi uu ka yimid “meesha ugu sarreysa” dowladda Sacuudiga laakiin uusan rumaysanayn in boqor Salmaan uusan amarin dilka.

Maqaal uu ku qoray wargeyska Washington Post, ayaa Erdogan sheegay in Sacuudiga ay wali hayso su’aallo badan oo ay tahay in ay ka jawaabto ku saabsan dhimashada Jamal Khashoggi.

“Waa inaa shaacinaa magacyada dadkii ka dambeeyay dilka Khashoggi”, ayuu yir Madaxweyne Erdogan isagoo ku daray in Turkiga cir iyo dhulba u galay sidii uu baandhiga u soo dhigi lahaa dhammaan caddeymaha kiiska Jamal Khashoggi.

“Waan ka naxay waana ka xumaaday isku dayga qaar ka mid ah mas’uuliyiin Sacuudi ah ku doonayaan in ay ku qariyaan dilka la qorsheeyay ee Khashoggi, intii ay ka ka shaqayn lahayeen sidii cadddaalad loogu heli lahaa” Ayuu Erdogan.

Dilka Jamaal Khashoggi wuxuu ku lug leeyahay wax ka badan kooxo amniga ah, sida fadeexadda Watergate ay ka weyn tahay burburkii iyo weerarradii 9/11 ee argagixisada ee ka baxsanayd afduubayaasha. Waxaan nahay xubno masuul ka ah beesha caalamka, waa in aan sheegnaa aqoonsiga dadkii ka danbeeyay dilka Khashoggi iyo in la ogaado kuwa ay Saraakiisha Sacuudiintu – weli isku dayayaan in ay qariyaan dilka – ee ay kalsooni ku qabeen. Ayuu yir Madaxweyne Erdogan.

Jamal Khashoggi oo 59 jir ahaa, kana tirsanaa jariirada Washington Post aadna u dhaliili jiray xukunka iyo siyaasada dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa labadii bishii Oktoobar lagu dhexdilay gudaha qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.