Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka codsaday Boqortooyada Sacuudiga in ay u soo gacan geliso dadka lagu tuhunsanahay in ay ka dambeeyeen dilkii Suxufiga Jamal Khashoggi ee lagu dilay magaalada Istanbul, isagoo sheegay in Boqortooyada Sacuudiga aysan muujin wax wadashayn ah.
Madaxweyne Erdogan ayaa isagoo ka hadlayay shirka G20 ee magaalada in Buenos Aires, si adag u dhaliilay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxammed bin Salmaan (MBS).
Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in ay xirtay 18 muwaadiniinta ah waxa ayna sheegaty in ay baaritaan ku samayn doonto dilka JamalKhashoggi, oo ahaa shaqi si wayn u dhaliila xukun boqortooyada Sacuudiga kaasi oo lagu dilay gudaha qunsuyliyada Sacuudiga ee ay ku leedahay magaalada Istanbul bishii Oktoobaar.
” Waa muhiim in dadkaan lagu maxkamadeeyo gudaha dalka Turkiga si loo tirtiro calaamaha su’aal kasta ee ay qabaan beesha caalamka’’, ayuu u sheegay Erdogan warfidiyeenada.
” ciskasta oo amartay faldembiyeedaan xun waa in la soo helaa. Haddii aan dembiilayaasha la ogaan, dunida oo dhan iyo bulshada Islaamku ma qanci doonaan..”
Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay diidday in ay caawiso xeer-ilaaliyeyaasha Turkiga kuwaas oo raadinayay macluumaad ay ku jiraan meesha ay ku sugan yihiin Khashoggi maydkiisa iyo aqoonsiga kooxaha dil gaystay ee la sheegay in ay yimaadeen Turkiga.
Madaxweynaha Turkiga, oo tartan ugu jira inuu saamayn ku yeesho gobolka, ayaa sheegay in aanu “rabin in uu waxyeello u geysto” qoyska boqortooyada.