Madaxweynaha dalka Turkiga Raccep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in dowladaha Mareykanka iyo Israel ay faro galin ku hayaan dalalka Iran iyo Pakistan .
Erdogan, ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanka iyo Israel ay sidoo kale faro galin qaawan ay ku hayaan dolwadaha Islaamka taasi oo uu sheegay in dowladdiisa ay arrintaasi diidantahay.
Waxaa uu cadeeyay in dhigiisa Xasan Rooxaani uu kula hadlay qadka telefoonka waxaa uuna sheegay in xaaladda dalka ay ku soo laabatay sideedii, Rooxaani ayaa tilmaamay in dibadbaxyada ka socda dalka ay yihiin kuwo xaq ah oo dimuquraadi shacbeed ah.
Hadalka madaxweyne Erdogan ayaa waxaa uu imaanayaa xilli Iran ay ka socdaan dibad-baxyo ayna dadka uga soo horjeedaan xukuumadda,waxayna Iran ku eedeysay Mareykanka inuu arimaha Iran uu ku hayo faro galin .
Dacwad ka dhan Mareykanka ayey u gudbisay qaramada midoobay waxaa uuna gaarsiiyey farin wakiilka Iran ee qaramada midoobay xoghayaha guud António Guterres .