Mas’uuliyiinta dowladaha Qaybta ka ah ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa shir deg deg ah Ku yeeshay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Shirka oo looga hadlayay arrimaha Falastiiniinta gaar ahaan xasuuqii ciidamada Israel ay dhowaan duleedka magaalada Qaza ugu gaysteen dibadbaxayaal aan hubaysnayn iyo furitaanka safaaradda Maraykanka ee magaalada Qudus ayaa waxaa uu ahaa mid deg deg ah oo uu isugu wacay madaxwaynaha dalka Turkiga Racep Tayyip Erdogan.
Dowladaha Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Baxrxyn iyo Masar ayaa shirka u diray wafuud heerkoodu uu liito, halka madaxda dowladaha Turkiga, Qadar, Urdun/Jordan iyo Iiraan ay ka qayb galeen shirka.
Madaxwaynaha dalka Turkiga Racep Tayyip Erdogan oo shirka ka hadlay ayaa dalalka Islaamka ugu baaqay inay u midoobaan la dagaalanka dowladda Argagaxisada ah ee Israel sida uu yiri.
Dhibaatooyinka ay wajahayaan dadka reer Falastiin ayaa waxaa uu yiri waxaa ay la mid yihiin dhibaatadii Yahuudda Ku haysan jirtay dalalka Yurub.
Gabagabadii kulanka waxaa laga soo saaray war kaasi oo beesha Caalamka loogu baaqay in la sameeyo ciidamo caalami ah oo ilaaliya Falastiiniinta.