Muqdisho (UM)—Dowladda Isu taga Imaaraadka Carabta oo muddooyinkii la soo dhaafay lagu tuhmayay in faragalin siyaasadeed oo baahsan ay ku hayso Soomaaliya ayaa markan warkeeda uu dheeraaday kadib markii la sheegay inay fara galisay siyaasadda dowladda Maraykanka.
Email-lo sir ah oo la jabsaday oo uu leeyahay ganacsatade xiriir dhow la leh madaxda dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ay muujinayaan in ay Imaaraadka Carabta ay madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump ay waydiisteen inuu xilka ka qaado xoghayihiisa arrimaha dibadda Rex Tillerson.
Emailada la jabsaday oo ay heshay warbaahinta BBC-da laanteeda afka Ingiriiska ayaa waxaa ay muujinayaan in Imaaraadka Carabta ay sababta Trump u waydiisteen inuu xilka ka qaado xoghayaha arrimaha dibadda Rex Tillerson ay tahay sababo la xiriira inuu taageeri waayay tallaabada ay xiriirka ugu jareen kuna cuna qabateeyeen dalka Qadar dowladaha Sacuudi Carabiya, Baxrayn, Imaaraadka Carabta iyo Masar.
Warbaahinta ayaa sidoo kale heshay warbixin sheegaysa in Elliott Broidy, oo ahaa nin dhaqaale u aruurin jiray Donald Trump muddadii uu u tartamayay xilka Madaxtinimo ee dalka Maraykanka uu Donald Trump la kulmay bishii August ee sanadk aan ka soo gudubnay ee 2017 xilligaasi uu madaxwaynaha dalkaasi Maraykanka uu waydiistay inuu shaqada ka eryo xoghayihiisa arrimaha dibadda.
Elliott Broidy, ayaa arrintaasi u sababeeyay in Rex Tillerson uu qaab liidata u wado xaafiiska siyaasadda arrimaha dibadda dalka Maraykanka.
Email-lada la xaday ayaa waxaa ay xaqiijinayaan jiritaanka warqad qoraal ah oo Imaaraadka ay Trump Ku waydiisteen xilka qaadista Mr. Tillerson.
Bishii June 5-teeda sanadkii hore dowladaha Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Masar ayaa dowladda Qadar waxaa ay kusoo rogeen xayiraad dhinacyada dhulka, Badda iyo waliba Cirka, ayagoo dowladdaasi yar ee Gaaska dabiiciga ah qaniga Ku ah (Qadar) Ku eedeeyay inay taageerto wax ay ugu yeereen (Argagaxisada).
Tallaabadaasi ayaa u waxaa loo arkayay mid wax badan uu ka ogaa madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump.
Mr. Trump ayaa fariimo u muuqday inuu Sacuudi Carabiya iyo xulafadeeda Ku taageerayay xayiraadda ay ku soo rogeen dalka Qadar ayaa waxaa uu si is-daba joog ah u soo dhigay bartiisa Twitter-ka oo ay Ku xiran yihiin dad kor u dhaafaya 40 Milyan oo qof.
Tillerson, xoghayaha arrimaha dibadda dalka Maraykanka ayaa Sacuudi Carabiya iyo Xulafadeeda Ku dheleeceeyay xayiraadda ay Ku soo rogeen dalka Qadar isagoo dalbaday inay si deg deg ah ay Qadar xayiraadda uga qaadaan.
Xoghayaha ayaa dhowr safar Ku maray dalalka Khaliijka isagoo xal u raadinayay mushkiladda ka dhex aloosan saaxiibada ka wada tirsan isbahaysiga dalalka khaliijka ee Qadar xubin ay ka tahay.
Ninka dhaqaalle u aruurin jiray ololalihii doorashada Trump ee Elliott Broidy, ayaa waxaa xoghayaha arrimaha dibadda dalka Maraykanka Ku tilmaamay mid ” aad u daciif ah” isagoo adeegsaday ereyadan (tower of Jello) oo lagu qiimeeyo qof daciif ah oo aan waxba Ku turnayn.
Afhayeen u hadlay Mr. Broidy, ayaa hadal uu siiyay warbaahinta dalka Maraykanka waxaa uu Ku sheegay inay aaminsan yihiin in dowladda Qadar ay Email-lada jabsatay.
Broidy, ayaa sida uu qoray wargeyska New York Times, waxaa uu leeyahay Shirkad Mallaayiin doollarka Maraykanka ah ka hesha dowladda Imaaraadka Carabta.
Inta Email-ladan sirta ah aan warbaahinta loo dusin ayaa garyaqaanka gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan baaritaanka lagu hayo kooxdii ololaha doorashii Trump ee Robert Mueller, waxaa uu baarayay warar soo baxay oo sheegayay in Imaaraadka Carabta ay isku dayeen in Madaxweyne Donald Trump ay siiyaan lacago fara badan si uu u beddello siyaasadda dhow ee ka dhaxaysa Maraykanka iyo Qadar.