Duulimaadka Itoobiya iyo Eritrea oo si rasmi ah u bilowday (Sawiro)

949

Shirkadaha diyaaradaha ee Itoobiya ayaa  bilaawday duulimaad toos ah, oo maalinle ah oo ay ku tagayaan Asmara.

Duulimaadyada waxaa ay Isugu jiraan rayid iyo xamuul, sidaas waxaa lagu sheegay qoraal dhanka Itoobiya kasoo baxay talaadadii.

Labada dal ayaa soo ceshtay xiriirka diblomaasiyaseed oo go’naa muddo 20 sano ah.

Labada dhinac dagaal dhex Maray 1998 iyo 2000, waxaa ku dhintay in ka badan 80,000.

Dhanka kale

Diyaaraddii labaad ee rakaab ah ayaa ka duushay magaalada Addis Ababa iyadoo ku sii jeeda magaalada Asmara, ka dib markii ay aad u bateen dadka danaynaya in ay Asmara indhaha ka soo qaadaan, sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee AFP.

Waxayna soo bandhigtay sawir dad saaran diyaaraddii koobaad ee muddo labatan sano ah labada caasimadood u kala safarta, taas oo goor dhaw caga dhigatay Asmara.

Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa Twitterka soo dhigtay sawirka diyaaraddii u horraysay ee Asmara tagta labaatan sano ka dib.

Addis   Standard oo ka mid ah warbaahinta gudaha dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay saaran yihiin 456 ruux oo rakaab ah.

Arintan ayaa qayb ka ah calaaqaadka soo hagaagaya ee Eritrea iyo Itoobiya, ka dib markii ay ku dhawaaqeen in la soo afjaray colaaddii labaatanka sano socotay.

Dadka safray waxaa ka mid ah ra’iisulwasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn sida uu Twitterka ku soo qoray wasiirka warfaafinta ee Itoobiya Axmed Shide.