Magaalada Hong Kong iyo Koonfurta Shiinaha ayaa waxaa ku dhuftay duufaan roobab xoogan wadata, maalin kaddib markii duufaantii ugu waynayd ay 64 qof ay ku dishay waqooyiga dalka Philippines.
In ka badan 2.4 milyan oo qof ayaa laga daadgureeyay toddobo maagalo oo ku taalla gobolka Guangdong ee Shiinaha, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Associated Press.
Hong Kong, ma’suuliyiinta ayaa uga dhigay dadka in ay ka fogaadaan xeebta Victoria Harbour landmark, halkaasi oo ay aad ugu dhufatay duufaantu.
Duufaanta Mangkhut ayaa galabnimadii Axadda ka bilaabatay gobolka Guangdong, iyadoo xawaare Sare oo gaaraya 162 kilomitir ku socota saacadii.
Xarunta Saadaasha cimilada China ayaa sheegtay in koonfurta Shiinaha ay ” wajihidoonto tijaabo adag oo ay sababtay dabaysha iyo roobka “waxayna ku boorisay dowladda in ay u diyaargaroobaan musiibooyinka suurtagalka ah.
Waxaa la hakiyay boqolal dulimaadyo ah iyo iyo adeega tareenada ee gobolada Guangdong iyo sidoo kale Hainan.