Duterte: Haddii ay Diyaarad ila qaraxdo CIA hala waydiiyo

810

Madaxwaynaha dalka Philippines Filibiin Rodrigo Duterte, ayaa eedayn kuluul usoo jeeday dowladda ay saaxiibka dhow yihiin ee Maraykanka.

Rodrigo Duterte, Madaxwaynaha dalka Filibiin, oo maanta oo Khamiis ah dad beeraley iyo kulluumaysato ah kula hadlayay Aqalka madaxtooyada dalkaasi ee magaalada Manila ayaa sheegay in haddii diyaaradiisa ay burburto ama Qarax waddada dhinaceeda loo dhiho ay la qaraxdo la waydiin doono Hay’adda Sirdoonka dalka Maraykanka u qaabilsan Dibadda ee magaceeda loo soo gaabiyo (CIA)

“Haddii diyaaradayda hawada ay Ku qaraxdo ama gaarigayga lagu qarxiyo qarax waddo dhinaceeda la ii dhigay waxaad malaha waydiim doontaan CIA” Rodrigo Duterte Madaxwaynaha dalka Filibiin ayaa koox kalluumaysato  iyo Beeraley reer Filibiin ah u sheegay maanta oo Khamiis ah xili uu kula hadlayay Aqalka Madaxtooyada oo lagu magacaabo Malacanang.

Waxaa uu intaasi Ku daray in CIA ay isaga baadi goob ugu jirto ka dib markii sida uu sheegay xukuumadda Manila ay u dhowaatay inay xiriir la yeelato quwadaha Caalamka kale sida Shiinaha iyo Ruushka kuwaasi oo Maraykanka xifaaltan dhanka saamaynta Caalamka ah kula jira Maraykanka.

Dutorte, ayaa sidoo kale sheegay in Maraykanka ay hakiyeen heshiis ganacsi oo u dhaxeeyay Filibiin iyo Maraykanka.

Sababta heshiiskaasi Maraykanka uu  u hakiyay ayaa lagu sheegay xadgudubyada dhanka ah Xuquuqda Aadanaha ah ee xukuumadda Manila ay Ku kacday.

Ka dib doorashadii madaxtinimo ee dalka Filibiin ka dhacday oo uu Ku guulaystay Madaxwaynaha haatan xilka haya ee Rodrigo Duterte, waxaa xoogaa xumaaday xiriirkii u dhaxeeyay Filibiin iyo Maraykanka.

Xaaladda ayaa waxaa uga sii daray markii Madaxwayne Duterte, uu sheegay in xiriirka dalkiisa uu la leeyahay Maraykanka uu yahay mid Ku dhisan mise ka yimid xilliyadii Gumaysiga.

Ka dib Madaxwaynaha ayaa amray in lagu dhaqaaqo dagaal ka dhan ah dad doroogada ka ganacsada kaasi oo lagu laayay kumanaan reer Filipino ah, ololahaasi oo lagu tilmaamay in muddada uu socdo xukuumadda Manila ay Ku kacday dambi dagaal iyo eedaymo ah inay Ku kacday xadgudub dhanka Xuquuqda Aadanaha ah.