Duqii Muqdisho Eng Yariisow oo geeriyooday

690

Guddoomiyihii gobolka Banaadir, islamarkaan ahaa duqa Muqdisho Injineer Cabdiraxman Yariisow ayaa ku geeriyooday dalka Qadar.

Guddoomiye Yariisow ayaa dhaawac culus uu ka ka soo gaaray Qarax todobaad ka hor ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banadir, kaasi oo ku dhinteen ilaa dhowr iyo toban qof, halka tiro kalena ku dhaawacmeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal ayaa iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Sen. Cabdi Xaashi ayaa tacsi u diray Qaraabada, Ehelka iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, iyaggoo Marxuumka EBBE uga baryey in Naxatiisa jano uu ka waraabiyo.

Sidoo kale Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Naxdin leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Yariisow.

Yariisow ayaa horay dhowr jeer soo noqday Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya,waxaa kale oo uu soo noqday Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya iyo xilal kale.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas,waxaana ay sheegtay in qaraxa uu ahaa mid lagu diyaariyay goobta.

SHARE