Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray xarunta degmada Wadajir

444

Muqdisho ( UM) –  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo ayaa xarigga ka ka jaray xarunta Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir oo sanadkii hore qarax loo adeegsaday gaari ku burburtay.

Guddoomiyaha oo wehliyo Guddoomiyaha degmada iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha iyo xaafiisyada ay ka kooban tahay degmada ee dib loo dhisay qaraxii kaddib.

Guddoomiyaha ayaa ku bogaadiyay maamulka degmada iyo bulshada ku nool dadaalka ay ku bixiyeen dib u dhiska xarunta degmada iyo sida ay uga mideysan yihiin xaqiijinta horumarka degmada.

Guddoomiye Yarrisow, ayaa kula dar-daarmay Maamulka degmada in ay dardar geliyaan howlaha ee horyaalla oo la xiriira ilaalinta bilicda iyo nadaafada degmada, xoojinta wada shaqeynta bulshada degmada iyo laamaha amniga iyo baahinta adeegyayada bulshada.

Waxaa sidoo kale munaasabada dib loogu furayay xarunta degmada ka soo qeybgalay wasiirro, Xildhibaanno iyo maamulka demagada Wadajir.

SHARE