Muqdisho – Waxaa maanta dib loo furay xarunta degmada Hodan ee Gobolka Banaadir oo dib loo dhisay kaddib burburkii ka soo gaaray weerarkii lagu qaaday bishii September ee sanadkii hore.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish oo ay wehliyaan Guddoomiyaha degmada Hodan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha xarunta degmada Hodan oo dib u-dhis lagu sameeyay casri ah lagu sameeyay.
Xarumaha iyo xaafiisyada degmada ay ka kooban tahay oo uu horey qaraxa u sameeyay ayaa sido kale dib loo dhisay.
Xarunta degmada Hodan ayaa muddo sanadk ku dhow burbursanayd iyadoo igu dambayn maanta xariga laga jaray dhismaha cusub ee degmada.