Duqa Muqdisho oo magacaabay Guddi ka talo bixiya waddooyinka xiran

760

Muqdisho – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa magacaabay guddi ka kooban todobo xubnood oo ka talo bixin doona sidii loo furi lahaa waddooyinka xiran.

Warqad uu caawa soo gaaray ayuu guddoomiye Cumar Filish ku sheegay in marka uu arkay baahida loo qabo waddooyinka xiran uu magacaabay guddigaan oo uu guddoomiye u noqon doono ku xigeenka gobolka Banaadir ee amniga iyo siyaasadda Maxamed Cabdullaahi Tuulax.

Guddoomiyaha Goobolka Banaadir ayaa markii xilka loo magacaabay waxa uu sheegay in uu furi doono waddooyinka xiran oo dhibaato xooggan ay ku qabaan dadka ku dhaqan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.