Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa digniin u diray ganacsatada ku ganacsatada hareeraha wadooyinka muqdisho.
Guddoomiyaha ayaa ganacsatada faray iney ka qeyb qaataan ololaha bilic soo celinta Caasimadda sidoo kalena ay ka shaqeeyaan nadaafada goobahooda ganacsi.
Waxaa uu tilmaamay in maamulkiisa uusan aqbali doonin nadaafad-daro lagu arko goobaha ganacsiga ee Muqdisho loona baahan yahay in cid walbo masuuliyad gaar ah iska saarto nadaafadda iyo hormarita Magaalada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib markii shacabka degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan uu maanta kala qeyb gay howlo nadaafadeed oo ay ka wadeen degmooyinkaasi.
Guddoomye Yariisow waxaa ololahaan nadaafadeed kala qeyb galay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo maamulada degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid.
Hoos ka dhagayso codka Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow