Duqa Muqdisho oo Dhuusamareeb gaaray (Sawiro)

1109

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Gudoomiyaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa soo dhaweyay madaxa Xukuumadda Dowlad Gobolleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir, qaar ka mid ah Xilibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee ku sugnaa magaalada, Wasiiro ka tirsan dowlada Galmudug, iyo qeybaha bulshada ku nool Dhuusamareeb.

Gudoomiyaha ayaa Markii uu gaaray magaalada Waxaa uu la hadlay bulshada Galmudug ee ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb ,waxaana uu kula dardaarmay in ay xoojiyaan midnimada iyo dowlad Jaceylka ka muuqda.
Gudddoomiyaha Thaabit iyo wafdiga la socda ayaa la qeybgali doono munaasabada wayn ee lagu qaban doono magaalada Dhuusamareeb taasi oo lagu soo dhawaynayo Xukuumadda Galmudug oo Caasimadda u soo garaysa iyo soo dhawanta heshiiskii awood qeybsiga ee ay sanadkii hore magaalada Muqdisho kula saxiixdeen Galmudug iyo Ahlu Sunnna.