Guddoomiyaha oo dhagax dhigga kaddib la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in Hodan ay tahay degmadii ugu horeysay ee mashruucan laga fuliyay, waxa uuna tilmaamay in furitaanka xarumaha gurmadku ay muhiim u yihiin bulshada deegaanka.
Guddoomiye Yarrisoow ayaa xusay in guud ahaan degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir laga hirgelin doono mashruucan, si shacabka loogu dhaweeyo dowladnimada, isagoo xusay boqolkii maalmood ee ugu horeeyey maamulka uu hoggaamiyo in guulo wax ku ool ah laga gaaray baahinta adeegyada bulshada ee horey dhibaato shacabka uga haysatay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa munaasabadda dhagax-dhigga ku weheliyey Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda, Guddoomiyaha degmada Hodan.
Dhankale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kormeer ku tagay wadada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha oo ay ka socoto dhisamaha wadada laami saarida ah ee wadadani oo in muda ah bur bursaneyd isla-markaana ay marideeda dhibaatooyin ku qabeen bulshada iyo gaadiidka dadweynaha.