Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay wadada General Daa’uud

1689
Guddoomiye Thaabit oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan Maamulka G/Banadir oo dhagax dhigaya wadada Gen. Daa'uud. Photo/ Jowhar

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho,Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta dhagax dhigay wadada Generaal Daa’uud oo dib u dhis lagu samayn doono. Wadadaan oo isku xirta Taallada Daljirka Daahsoon iyo tan sodonka ee magaalada Muqdisho ayaa ka mid ah waddooyinka muhiim ka ah ee ku burburay dagaalladii dalka ka dhacay iyadoo Maamulka Gobolka Banaadir horey u dib u dhis ugu sameeyay dhawr waddo oo muhiim u ah isku socodka dadwaynaha iyo gaadiidka.

Waxaa hadda meel gabagabo ah maraya waddada sodonka ee isku xirta dhawr degmo oo Gobolka Banaadir ah taasi oo 2 billood ka hor Guddoomiye Thaabit uu dhagax dhigay.

Magaalada Muqdisho oo ka soo ka banaysa nabaradii burburkii dalka ka dhacay ayaa waxaa ku soo kordhaya dhismayaasha dhaadheer ee ganacsiga iyo dib u dhiska waddooyinka ee uu hormuudka ka yahay Maaamulka Gobolka Banaadir.