Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa maanta daah furay hanaanka wada tashiga Shacabka Muqdisho iyo Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.
Daafurka baraanmijkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Yareey, Guddoomiye ku xigeenadda Maamulka Gobolka Banaadir, iyo shaqaalaha Weynaha Dowladda Hoose ee Xamar iyo Gobolka Banaadir.
Duqa Magaalada ayaa sheegay in Bulshada iyo Maamulka Gobolka Banaadur diyaar u yihiin suurtagalinta Doorashooyin xor ah oo ka dhaca Caasimada, kuna garasiinayaa Howla shaqo ay wadaan Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.